SO | EN

SO | EN

Shirkad laga leeyahay dal kale oo ku guuleysatay dhismaha Suuqa Waaheen

|

Hargeysa (Kaab TV)– Shirkad laga leeyahay dalka Eswatini ee dhaca koonfurta Afrika ayaa ku geeleysatay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen ee magaalada Hargeysa Shirkaddan ayaa lagu magacaabaa Inyasi constraction company waxaana si rasmi ah u shaaciyay inay ku guuleystay dhismaha suuqii gubtay ee Waaheen guddida qandaraasyada ee Somaliland.

Warqada kasoo baxday guddida qandaraasyada Somaliland ee lagu shaaciyay shirkada ku guuleysatay dhismaha suuqa Waaheen in shirkaddan ay kamid tahay shirkaddaha ugu waaweyn Afrika islamarkaana ay shaqooyin badan ka wado meelo badan oo kamid ah dalalka Afrika.

Suuaqa Waaheen oo ah kan ugu weyn caasimadda Somaliland ayaa waxa uu gebi ahaanba ku shuf beelay dab ka kacay sanadkii hore, waxaana la qorsheeyay in laga dhiso suuq casri ah oo aan tayo ahaan aad u sarreeya, sida ay sheegtay xukuumadda Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News