SO | EN

SO | EN

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Deni iyo Juxa

|

Garoowe (Kaab TV)– Khilaaf xooggan ayaa ka dhex qarxay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wasiirka arrimaha gudaha maamulkaasi Cabdi Faarax Juxa Xogtan ayaa sheegeyso khilaafkan cusub ee ka dhex qarxay labadan masuul ayaa waxay sheegaysa inuu yimid kadib markii uu wasiir Juxa uu si adag uga horyimid qorshe uu madaxweynaha Puntland uu ku rabo inuu wax ka bedel ugu sameeyo Dastuurka.

Saciid Deni ayaa raba inuu wax ka bedel ku sameeyo qoddobo ku jira Dastuurka, gaar ahaan kordhinta tirada xisbiyada rasmiga ah ee ka soo baxaya barnaamijka qof iyo cod.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu sii xoogeysanayo damaca madaxweyne Saciid Deni ee ah in la furo dastuurka Puntland kadib markii uu kulan xasaasi ah la yeeshay ururada siyaasadda.

Si kastaba, Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo arrintaasi oo xataa siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News