JOWHAR (KAAB TV) -Hirshabeelle , si rasmi ah Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ( Soomaali : Maamul-Goboleedka Hirshabeelle ee Soomaaliya ), waa maamul-goboleed federaal ah oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya . Dhanka waqooyi waxaa xad la wadaaga maamul goboleedka Galmudug ee Soomaaliya, Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo gobolka Banaadir , dhanka galbeedna Itoobiya iyo bari oo ay ka xigaan badweynta Hindiya . Jowhar Waa magaalo madaxda Hirshabeelle.
Hirshabeelle waxay ka kooban tahay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya. Beelaha ugu caansan Hirshabeelle waxaa ka mid ah , Gaaljeceel Xawaadle , Abgaal , Jareer , iyo qaar kale oo mid walba taariikh weyn ku leh gobolka. Magaca gobolka wuxuu ka yimid isku darka magacyadooda. Hirshabeelle ayaa ku dhawaaqday inay tahay maamul goboleed ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida ku cad dastuurka KMG ah ee Soomaaliya .
Gobolka Hiiraan wuxuu markii hore ka mid ahaa 8dii gobol ee Soomaaliya, balse markii dambe wuxuu noqday qayb ka mid ah 18-kii gobol ee la sameeyay. Markii federaalka la qaatay 2012-kii, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa la isku daray, waxaana loobixiyay Hirshabelle. Laakiin maamulkaas wuxuu ahaa mid af ahaan ujira, balse si dhab ah looma hirgelin. Shacabka deegaankana kuma aysan qancin, taas ayaana dhalisay tabashooyin siyaasadeed oo wali taagan.
2017-kii, Madaxweyne Farmaajo markii uu talada qabtay, halkii uu maamul dhab ah u dhisi lahaa Hirshabelle, wuxuu burburiyay nidaamkii yaraa ee la isku dayay in la sameeyo. Siyaasaddiisu waxay ku salaysnayd kursi ilaalin iyo damac shaqsiyadeed, taasoo sii fogeysay kalsoonidii shacabka ee maamulka.
2022-kii, Xasan Sheekh ayaa markale loo doortay madaxweyne. Shacabka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay filayeen isbeddel muuqda, balse ilaa maanta wax cad oo la taaban karo oo uu ku sameeyay maamulka Hirshabelle laguma arag. Tabashadii shacabka weli waa mid taagan, adeeg dowladeed oo muuqda lagumana hayo.
Xaaladahan ayaa dowlad-goboleedka ka dhigay mid aan shaqeyn, waxayna caqabad ku noqdeen in horumar iyo dowlad wanaag laga sameeyo Hirshabeelle. Xaaladahan waxay ka dhasheen maadaama aanu jirin heshiis siyaasadeed oo loo dhanyahay —taasoo ah, in jilayaasha siyaasaddu aanay heshiis ku ahayn awoodaha muhiimka ah ee dowlad-goboleedka, iyo qaabka awoodahan si nabad ah loogu tartami karo. Inkastoo ay caddahay in jilayaasha siyaasadda Hirshabeelle ay si weyn ugu kala qeybsan yihiin su’aalahan, haddana, haddii lasoo gebagabeeyo ololaha dagaal ee ka socda dowlad-goboleedka, waxaa laga yaabaa in ay abuuraaan fursad lagu aasaaso heshiis siyaasadeed oo xooggan.
Xildhibaanadii laga soo doortay Hiiraan waxaa laga rabay inay noqdaan codka shacabka, balse waxay noqdeen kuwo siyaasadda ku cusub, aan wax ka goyn karin, kuna mashquulay danahooda gaarka ah. Badankood waxay ku koobmeen baraha bulshada, halka shacabka ay ku sii jiraan gaajo siyaasadeed iyo mid adeeg bulsho.
Maalmihii la soo dhaafay, magaalada Baledweyne waxaa ka dhacay dhacdo murugo leh. Ciidamada kala taabacsan Dabageed iyo Muuse Salaad ayaa israsaaseeyay iyagoo isku haya canshuurta laga qaado garoonka diyaaradaha. Ku dhowaad 20 qof ayaa ku dhaawacmay, cid masuuliyadaas qadayne majirto.
Waxaa intaas dheer, maanta duulimaadyadii garoonka ayaa istaagay, waxaana xiray Muuse Salaad oo diidan in canshuurta laga wareejiyo. Taas waa tusaale cad oo muujinaya sida maamulka u yahay mid fashilmay, shacabka oo dhanna ay yihiin kuwa dhibbanayaal ah.
Doorashada soo socota oo siddeed bilood ka harsan ma noqon karto mid lagu aamino dad kursi raadinaya oo aan aqoon u lahayn hoggaaminta shacabka. Waxaa loo baahan yahay hoggaan dhab ah, mid u adeegaya bulshada, mid xaqiijin kara sinnaanta gobollada, iyo mid soo celin kara kalsoonida shacabka ee dowladnimada.

