Fikirka falsafiga ahi ma laga ma maarmaan buu u ahaa dhisitaanka xaddaaraddan casriga ah? Xaddaaradda casriga ahi ma soo gaadhi lahayd heerka sarreeya ee ay maanta ka gaadhay dhammaan dhinacyada caqliga, mu’asasaadka, dhaqanka iyo habsami u socodka nolosha, iyada oo aan la helin fikradihii waaweynaa ee ay faaqideen filasoofyadii Deykaat(Descartes), Isbanowsa(spinoza), Ruusow(Rousseau), Kaanti(Kant), Maarkis(Marx), Niije(Nietzsche) iyo kuwii la midka ahaa? Miyaynu uga fikiri lahayn sida maanta aynnu uga fikirayno ee aynnu u fahansanahay seeska aragtiyaha siyaasadda, akhlaaqda, aqoonta, fanka iyo quruxda, haddii aanay filasoofyadu haba yaraatee waxba ku darsadeen?
Waxa hubanti ah, xitaa kuwa falsafadda maraatada u yaqaanaa in aanay “Maya” kaga jawaabi karin haddii aanay is doqomaynayn. Haddaba, xaggay inaga soo galeen fahanbixinta (concept) aasaasiga ah ee aynnu ku fikirnaa? Luuqadda oo kaliya kuma fekerno ee waxaynu ku fikirnaa fahanbixinta.
Si kastaba, ha ahaatee, waxa la heli karaa dad ku adkaysta – sabab diimeed, kibirnimo ama xaasinimaba – in aanay falsadu waxba soo kordhin, kuwaas oo kale waa in aynnu ku bajino su’aalahan ilaa inta aynnu ku wadi karno:
Haddii aanay filasoofyadu taariikhda waxba ku darsadeen qoraal iyo hadal labadaba ama aanay jireenba sidee bay noqon lahayd garashada dadka ee maantu?
Haddii sooyaalka garashada dadku aanay hesheen fikradaha aasaaska u ah habfikirka siyaasadeed, akhlaaqeed iyo cilmiyeed ee ay horumuudka ka ahaayeen; jamhuuriyaddii Balayto( Plato), xeerarkii Deykaat (Descartes), akhlaaqdii Isbanowsa (spinoza), dhambaalladii Foolteer (Voltaire), seddexlaydii naqdiinta ahayd ee Kaanti (Kant), Finoominoolajigii Heygal( Phenomenology of Hegel), dhaqaalihii Maarkis (Marx), haddii aanay fikradahaas waaweyni dhalan lahayn sidee buu ahaan lahaa xaalka fikirkeena ee maantu?
Sidee buu noqon lahaa xidhiidhkeena ku aaddan diinta, dulqaadka, sheeko xariirada, khiyaaliga, jacaylka iyo quruxda? Halkee ayey gaadhsiisnaan lahayd awooddeena fikireed, nadqineed, u fiirsasheed iyo faaqidaadba?Sidee bay ahaan lahayd curinteena, adduun arageena iyo aydiyoolajiyadeenuba?
Ma diidanin in ay jireen dad horrumar xaddaaradeed ka sameeyay dhinacyda horrumarka ama aqoonta iyada oo aanay ka dhex jirin wax magaca falsafad lagu naanayso (macnaha falasafadu way ka dhex jirtay iyada oo aan loo magac bixin). Haddaba kuwa leh falsafadda aan micno ahaan iskula qeexno si aynu u garan karno in ay xaddaaradaha sees u tahay, aynnu ku dhaafno
falafadu ma aha diin, ma aha saynis, ma aha fan, ma aha sheeko xariiro waa wax u baahan shuruudo qotodheer. Waa firfircooni caqliyeed oo bisayl ah. Bisaylnimaduna waa figta badhaadhaha iyo sarraynta.
Caadi ahaan ma diidanin in filasoofnimadu ay tahay dabci ku abuuran dadka, waydiimaha carruurta yaryar kusoo dhacana ay ka midaysanyihiin dhaqamadu, laakiin sii wadidda su’aalahaas ayay ku kala tageen. Dadka oo dhami fikir falsafiya ayay helaan laakiin sii korinta fikiraasi waa dhif iyo naadir, wuxuu u baahanyahay deegaan aad ugu diyaarsan dadkiisuna aannay shaacsanayaasha muqaddasayn.
Sida aynu wada ogsoonahay waxa jira bulshooyin xaddaarad dhisan dhexda kaga soo dhacay, kuwaas oo aan la falgalin fikradaha falsafiga ah ee seeska u ah ( Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika), bulshooyinkaasi waxa ay wax ka barteen Reer Galbeedka sida warshadaha, maamulka, dimuqraadiyadda, laakiin su’aasha is waydiinta lihii waxa weeyi miyey kusoo kordhiyeen wax cusub oo dhanka fiisigiska hawada sare ah, ama fiisigiska kale ee caadiga ahba, oo dhaafsiisan wixii ay Iinishtayn( Einstein), Maakis( Max Planck) iyo kuwii la midka ahaa ay la yimaadeen? Miyey wax ku darsadeen oo kusoo biiriyeen keenida nidaam akhlaaqiya oo wax tar leh, oo lagu la dhaqmo nolosha iyo noolahaba ( bioethics), wax dhaafsiisan wixii ay sheegeen Kaanti, Haabemas(Habermas) iyo kuwii la midka ahaa? Miyaanay curinta aragtiyaha ugubka ahi u baahnayn wixii Aristootal( Aristotle) u bixiyay Cilmul Kulliyaad (علم الكليات)
Waxa jirta hadal u Heygal yidhi oo aynaan ilaa maanta diidi karin:
taariikhda falasafaddu waa isla taariikhdiisa, taa macnaheedu waxa weeyi ka hadalka taariikhda falsafaddu waa ka hadalka caqliga.
Laakiin waxa aynnu fudaydin karnaa marka taariikhda falsafadda aan ku koobno taariikhda fahanbixinta weyn ( المفاهيم الكبرى ) ee caqligu seeska ka dhigto si uu uga fikiro caalamka iyo nolosha, xaddaaradda iyo siyaasadda, jiritaanka iyo dabeecadda iyo sida oo kale dhimashada iyo geerida. Waa taariikhda adduun aragnimada (perception) baladhaan ee caqliga dadku kaashado si uu u fahmo nuxurka jiraalka, wakhtiga, kaynuniyadda (الكَيْنُونَة) iyo macnahaba. Sidaa awgeed, falsafaddu waxa ay noqonaysaa lafaguridda falsafadda wax aad uga qotodheer oo ah caqliga iinsaanka laftiisa. Falsafaddu waa sallaanka ay xaddaaradda casriga ahi soo raacday, taasoo dadka maanta ku kaalmaysay in ay wax iska waydiiyaan dhalanteedka (illusion), fududaydisana nolosha adag, furdaamisayna cunfigii ay dadku iskula kacayeen.
Waa run oo falsafad badan u ma baahnin marka aynnu ka fikirayno arrimaha awood qaybsiga tusaale ahaan, laakiin arintaasi suuragal ma ahaan lahayd ka hor intii aannu Moontiski(Montesquieu) la iman aragtidiisii awood qaybsiga? Falsafad badan u ma baahnin marka aynnu ka hadlayno heshiiska bulshada iyo faahfaahintiisa laakiin arrintaasi ma jirtay inta aannu Roosoo (Rousseau) la iman aragtidiisii heshiiska bulshada?
Waa run oo waxa jira dad dabci ahaan iskaga saamaxaad badan iyaga oo aan akhrisan dhambaalladii Foolteer ama Joon Loog(John Locke), laakiin sida hubantida ah labadaa filasoof horteed nuxurka saamaxaadu muu ahayn wax si fikrad laga dab qaato oo kale u jira, saamaxaaduna waxay noqon lahayd mid aan barasho ahaan ku faafteen haddii aanayn aragtiyahaasi iman.
Unkidda aragtida nadariga ahi kaliya ma aha uun hummaag qalalan oo aan baahiyaha la taaban karo waxba ka tarayn, sida ay dhab ahaantii u malaynayaan kuwa fikirka falsafiga ah ka soo horjeedaa, balse waa bilawga caqliga iyo maanka ku qotoma xeer nololeed iyo dhaqan magaalanimo, dadku uu cagliga ixtiraamo meel kasta oo u joogaba. Sidaa awgeed ayay falsafaddu u noqotay taariikhda caqliga, iyo yeelashada caqliga kawniga ah ee iinsaanka. Caqliga kawniga ah ( العقل الكوني) waa hir aragtiyeed qof kasta oo iinsaana hagaya, sida ay caddaysay caqliyadda iyo ruuxda kas oo dhexbaxday ummaddaha xaddaaradda dhaliyay iyo kuwii dhexda kaga soo booday labaduba. Sidaa awgeed, la yaab ma leh in cadawga koobaad ee falsafadda xilli walba iyo goob walba kaga soo horjeedaa noqdaan dadka u ololeeya ee ku dheggan arrimaha maxalliga ah ee diin ahaan iyo dhaqan ahaanta u goonida ah.
Aynnu mar kale isla garano, ma diidanin in umaddahu si ay u soo qaataan xaddaaradda, dumuqraadiyadda iyo siyaasadda casriga ah ee Galbeedka aannay wax badan uga baahnayn falsafad. Laakiin su’aashu waxa weeye, miyey awoodeen in ay xaddaaraddaa sii balaadhiyaan oo qaybo hor leh kusoo daraan, maadaama oo aannay filasoofyo badan helin ( Filasoofyada dabeecadda, filasoofyada heshiiska bulshada, filasoofyada tanwiirka iyo kuwii la mid ka ahaa)? Waxaas oo dhanba ka kaalay, miyaa lagu horrumariyay casriyaynta ( الحداثة) ama waxa dadka badhi ay ugu yeedhaan casriyaynta-kadib, wax ka baxsan dadaaladii fikirka naqdinta falsafiga ahaa ee ay hor kacayeen Derrida, Foucault, Lyotard iyo kuwii la midka ahaa? Horumarkii dimuqraadiyaddu ka samaysay dabayaaqada qarnigii labaatanaad xuquuq u helidda dadka laga tirada badanyahay, miyaanay ku iman naqdintii falsafiga ahayd ee filasoofayadii Hannaha Arendhet(Hannah Arendt), Kaaral Boober(Karl Popper), Yargan Habermas(Jürgen Habermas) kala horyimaadeen nidaamkii dabaqadda ku dhisnaa.
Sua’aalahan kalana aan is waydiino:
Miyeynu dhadhansan lahayn fanka casriga ah falsafadda la’aanteed? Miyeynu tahli lahayn in jiilkeena danbe xuquuqda aadanaha wax uga baxsanaadaan falsafadda la’aanteed? Miyeynu awooddi lahayn tusaale ahaan aasaaska akhlaaq nolaleed oo la mid ah tii filosoofkii Jarmalka ahaa ee Habermas bixiyay? Si kastaba ha ahaatee, difaaca falsfaddu ma aha uun difaacidda falsafadda oo kaliya,
balse waa difaaca shay ka balaadhan oo ka qiimi badan, waa horumarka caqliga dadka, si u maare uugu helo xallinta duni qariiba, si u maareeyo nolol ka dhexjirta caalam isbeddel joogto ah leh, si u maareeyo caalam argagixiso ku hareeraysan tahay.
Bayaamin:
Xilli taariikhdeedkii ku suntanaa in diinta laga cararayay ( in kasta oo marar badan aan lagu nabad galayn), sida oo kale waa xilli ku suntan kala furfuranka aydiyoolajiyadihii khaalisnimada, dhankeedii bidixda iyo midigtaba ha ahaatee, waxa ay u muuqdeen wax looga shakiyi karo in ay isku beddeleen cadamiyadda madow ( Dark Nihilism.) Waxa laga yaabaa in cadamiyaddu ahayd wixii Niije hore ugasii hadlay markuu lahaa:
“waxa aan sii warinayaa taariikhda labada qarniyee soo socda (oo ula jeeday qarniga 20aad iyo 21aad), waxaan sheegayaa waxa soo socda ee aan sinaba u baaqsan karin: waa soo kadinta cadamiyadda.”
Cadamiyaddu waa nuxjur ka soo dhexbaxay burburkii mabdi’ii khaalisnimda weyn ( الخلاص العظيم) ee labada macneba xabaarsanayd, mid diiniya iyo mid adduunyo oo kacdoonimo ah. Khaalisnimada weyn waxa looga jeedaa xaqiijinta laba ujeeddo oo kala ah: badhaadhaynta iinsaanka iyo in khayrku ka guulaysto sharka. Waa labada ujeeddo ee seeska u ahaa aydiyoolajiyadda khaalisnimada. Halisnimada cadamiyaduna falsafadda way kusii nagaatay maadaama ay buuxisay kaaliintii aydiyoolajiyadda khaalisnimada, markii ay burburtay. Laakiin waxa laga ma maarmaan ah in taariikhda falsafadda lagu daro wax ka jawaabaya baahiyaha ruuxiga ah ee dadka casrigan, waxana ugu door roon darsidda xariirada ( mythology), diinta, fanka, suugaanta oo aan la isku khiyaamayn. Waana sida ay isku raacsanyihiin badanka filasoofyada Galbeedku.
Su’aasha uugu danbaysa:
Waa maxay kaalinteena indheergaradnimo inaga oo ku abtirsana Shucuubta Koonfureed?
Waajibka koowaad ee ina saarani waa inaan fahano isbeddeladda falsafadda casriga ah ka dhexsocda, midda labaad, waa in aan kor u qaadno awooddeena ruuxiga ah inaga oo kor ugu qaadayna suufinimada falsafiga ah. Aynnu yara bayaamino, marka koowaad: waa maxay isbedalka ka dhex socda falsafadda casriga ah? Sida xagga sarre ku xusan waxa soo baxay aydiyoolajiyadihii khulaasiga ahaa – bidixda iyo midigta – ee cunfiga watay, iyaga oo sees ka dhigtay laba ujeeddo:
1: Xaqiijinta badhaadhaha iinsaanka ( Falsafadaha tanwiirka, falsafadda wadciyada..) Tusaale ahaan haddii dhibta dadku tahay mulkiyadda gaarka ah sidii ay la ahayd Ruusow, waa in mulkiyadda gaarka ah meesha laga saaraa sidii uu qabay Maarkis. In kasta oo markii danbe lagu baraarugay in waddadaasi ay dhashay hoog iyo niyad jab iyo waliba mushkilado cadamiya. Laakiin sida maanta muuqata xirfad la’aan iyo awood darrada qofka nolosha ka haysta awgeed barnnaamijkii siyaasiga ahaa, in kasta oo uu ahmiyadiisa lahaa, haddana kama uu qayb qaadan xaqiijinta badhaadhanimada iinsaanka, marka laga reebo meelo yaryar.
2: Ka guulaysiga sharka ( xisbiyadii Maarkisiga ahaa, aydiyoolajadihii diiniga ahaa.) Isha sharku ha noqoto Yahuudda sidii Naasiyiintu u arkayeen ama Imbiriyaaliyadda sidii ay Maarkisiyiintu u arkayeen ama Liiniyiinta sidii ay Khumayniyiintu u arkayeen, sidaa markay tahay khayrkii waa ka guulaystay sharkii!
Iyada oo wacyiga maantu muujiyay in isku daygii ahaa in sharka xididadda loo wada siibo ay dhashay wax kasii xunba. Sidaa awgeed ayuu wacyiga maantu qabaa in sharka qayb ka mid ah in la la noolaadaa ay tahay ta ugu fiican, halkii la baadigoobi lahaa xal kama danbaysa oo sharka lagu soo afjaro, oo inta badan dhasha wax sharkaa ka sii xun. Haddaba, waa in aan isku daynaa in aynnu fahanno nidaamka siyaasiga ah ee maanta ka jira galbeedka, dabadeena aan ku xallinaa mushkiladaha bulshadeena sida tahriibka, argagixisnimada, caydha.. iwm.
Marka labaad: maxaa ay inoo taraysaa suufinimada falsafiga ahi?
Isbanowsa wuxuu tibaaxay in tamarta murugada, laga ga hortagi karo tamarta wanaagsan. sida oo kale Niije na wuxuu tibaaxay in hanwaynida lagaga hortagi karo hanjabka, isla sidaas oo kale Foroydh(Freud) wuxuu tibaaxay in awoodda jacaylka laga hortagi karo awooodda dhimashada. Isbanowsa oo ahaa filasoofkii Gilles ku sifeeyay inuu ahaa midka ugu xariirsan, sidoo kale waxa lagu tiriyaa inuu ahaa filasoof in badan ka dharagsnaa ruuxda suufinimada ee falsafiga ah dhankeeda Islaamka iyo Yahuudiyaddaba. Haddaba, fahan la’aanta ka dhexjirta diimaha badankoodu waxa suuragal ah in ay tamarta murugada inagu sii badiyaan ( in cabsida ilaahay la la ooyo tusaale ahaan), oo ay inagu keenaan hanjab(inaad danbiile isku gu yeedho oo kale tusaale ahaan), oo waliba ay inagu booriso wixii Foroydh ku sheegay dhiirigalinta dhimashada( waynaynta in adduunyada la naco tusaale ahaan.) Madaxa murugada iyo hanjabkuna waa cabsida iyo baqashada waana waxa ay dhanbaalada diiniga ahi dhiiri galinayeen si guud iyo si gaaraba, laga soo bilaabo marxaladihii u horeeyay ee bulshaynta ( socialization.) Sidaa darteed, suufinimada falsafiga ahi waa ta ugu muhiimsan ee lagu soo celin karo tamar wanaagsanan iyo hannimo sarraysa oo ay jacaylka iyo ixtriimku kow ka yihiin, kuwaas oo ay qallinka u rogeen dhambaallada diiniga ahi.
Waa is beddelidda xidhiidhka Eebe iyo dadka ka dhexeeya, si u xidhiidhku u noqdo mid ku dhisan jacayl iyo ixtiraam halkii u ka noqon lahaa mid ku dhisan cabsi, baqasho iyo is dulleyn. Waa furaha ugu muhiimsan ee diinta iyo dadkaba lagu wanaajin karo. Si diimuhu u noqdaan kuwo dadka dhibta ka saara oo badhaadhe u horseeda.
–

