MUQDISHO (Kaab TV) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay xaaladda suuqyada Muqdisho iyo burburka dhaqaale ee ka jira caasimadda.
Wuxuu sheegay in hay’adda NISA ay lacag baad ah ka qaadato ganacsatada, taasoo saameyn weyn ku yeelatay ganacsiga iyo nolosha shacabka.
Xildhibaanku waxa uu arrintan ka hadlay kal-fadhiga baarlamaanka ee maanta, halkaasoo lagu soo bandhigay sharci cusub oo la xiriira is-dhafsiga ganacsiga ee waddamada Bariga Afrika.
“Canshuurteenna, ganacsigeena, iyo suuqyadeena dhammaantood waa kuwo khatar ku sugan oo u baahan in la badbaadiyo. Dadka suuqyadiisa la gadaayo. Suuqii Siinaay ayaa la gaday, Suuqii Bilaajo Carab ayaa la gaday, suuqii Bakaaraha qeybta khudaarta ayaa la gaday,” ayuu yiri xildhibaanka.
Xildhibaan Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya hadda ganacsi laga sameyn karin waddamada deriska, isaga oo caddeeyay in ciidanka NISA ay ganacsatada ku qasbayaan bixinta lacago canshuur la sheegay, taasoo sii adkeynaysa xaaladda dhaqaale ee dalka.

