SO | EN

SO | EN

Mahadsanid Marwo

|

Waxa ay ahayd gabadh xoog u cayilan oo ku raran shandad weyn oo guddaheeda laga heli karo wax aan ka ahayn dubbe iyo musbaar. Suun dheer oo shandadda ku xidhnaa ayey garabka ka kala ridday oo ay sidii dibi fuunyeysan ugu wadaa.

Saacaddu waa 11kii habeenimo, kaligeed ayey waddada laba laxaadsanaysaa, wiil ayaa gadaal iska ga soo maqiiqay oo isku taxalujiyay in uu shandadda ka la haado. Xadhigii waxa uu kadh ka yidhi darafkii uu wiilku sida aan wax u la hadhka lahayn u soo dhuftay. Ha yeeshee, shanadaddii iyo isagii oo waddarta cufkoodii is la cuslaatay ayaa istaagga ka riday, halkii uu guusha dhakhsaha ah ka filayay. Yarkii inta uu halbaarkeed tagay ayuu dirrida madaxa ku xoqay, labadiisii addin ayaa cirka daawaday.

Gabadhii cayilnayd oo sidii sac wayraxay walam u soo tidhi ayaa laag isla kala jiiday, oo isaga oo si xun u soo hawaara boodhka kaga kicisay. Dabadeed, inta ay surka dhab soo siisay ayey sidii waraabe raq helay kolba dhan u wadhfisay, ilaa iyo ay labadiisii qawlal isgaraaceen oo qacqacda ilkihiisu isu baxday.

Intaa ka dib ayey ku tidhi:

— Wiiloow, soo qabo shandadayda oo halkeedii ku celi.

Wali way ku dhegan tahay, balse gacantii birta ahayd way ka yara dabcisay, si uu shandadda ugu soo qaban karo. Dabadeed waxa ay ku tidhi:

— Miyaanad qof wax isku falaya ahayn?

Isaga oo kaladhka shaadka ee ku ciijisan la xargagaya ayuu ku tiraabay:

— Haa, waan iskufalayaa.

— Haddaa maxaa waxan kugu kallifay? ayey gabadhii waydiisay.

— Waxba maan samayn, ayuu ugu hal celiyey.

— Beenaale ayaad tahay, ayey ku halgaaday.

Halkaa marka ay marsay, seddex qof ayaa xuf ku dhaafay, qaarbaa istaagay, qaarbaa soo jalleecay, qaarkalana inta ay is dultaageen ayey indhaha la raaceen.

— Haddii aan nuuxsiga kuu ogalaado ma baxsanaysaa? ayey gabadhii su’aashay.

— Haa, waan baxsanayaa, ayuu ugu jawaabay.

—Haddaa kaama dabcindoono, ayey ku hal celisay oo uma ay jixinjixin.

—Marwo, aad baan uga xun ahay, waan ka xun ahay, ayuu wiilkii ku qayliyey.

— Wagar, wagar! Wajigaaga usgag baa saaran, si fiican ayaan u aqaanaa sida wajigaaga loo nadiifiyo. Waligaa qof ma u tagtay si uu wajiga kuugu dhaqo?”

— Maya, uma tagin ayuu yidhi.

—Haddaba fiidkan ayaa laguu dhaqi doonaa, ayey tidhi oo waddada ayey cagta kor u saartay; iyada oo wiilkii oo firkanaxsanina uu daba jiitamayo.

Da’ ahaan waxa lagu qiyaasi karaa afar iyo toban jir ama shan iyo toban jir, waa wiil caato ah oo ay dabayshu wadhfin gaadhayso, surwaal jiimis ah oo buluug ah iyo kabo fudud ayuu ku jookhanyahay. Mar kale, gabadhii waxa ay ku tidhi:

— Wiilkayga oo kale ayaad tahay, waxa aan ku kala bari doonaa saxa iyo qaladka. Ugu yaraan waxa aan imika ku tari karaa waa in aan wajiga kuu maydho. Ma gaajo ayaa ku haysa?

— Maya, ima hayso, ayuu ku halceliyey wiilkii la jiidayey.

— Waxa kaliya ee aan u baahanahay waa in aad isiidayso.

—Sii dayn aa! Miyaan waalanahay marka aan cidladan kugu sii daynayo.

—Maya.

—Laakiin, waa in aad naftaada aniga igu aamintaa. Haddii aad filayso in taasi aannay wakhi badan sii soconayn, mid kale ayaad uga wareegi kartaa. Mudane, marka aan si fiican isku kaa baro, waxa aad soo xasuusan doontaa Marwo Luella Jones.

Dhidid waaweyn ayaa wajigiisii ka soo daatay sidii roobka, dabadeed nafuhurnimo ayuu isbiday. Marwo Jones inta ay gabigiisiiba soo qabatay ayey horteeda dhigtay, labada gacmood inta ay raqabadiisa ka buuxsatay ayey waddada gadhka u galisay. Ugu danbayn gurigii ayey soo gaadhay, inta ay albaaka furtay ayey wiilkii dalaq siisay. Waa god lagu dhaadhacayo, sida oo kalana madbakh iyo meel lagu raaxaysto geesta danbe ku leh. Laydhka ayey daartay albaabkuna wuu iska balaqnaa. Wiilkii waxa dhagihiisa ku soo dhacay sheekada iyo qosolka ay dad kale ka dhex wadaan gurigan weyn. Sida oo kale, qaar ka mid ah albaabadooduna way furan yihiin, sidaa daraaddeed, waxa u soo baxday in isaga iyo gabadha la weheliyo. Gabadhii wali kaladhka ayey ku dhexhaysaa badhtanka gurigeeda.

— Magacaa? ayey waydiisay

— Roger, ayuu ugu jawaabay.

— Gorger-oow, haddaba baaldigaa wajiga iskaga soo maydh, ayey tidhi, kolkaas oo ay ugu danbayn faraha ka qaadday. Roger albaabkii ayuu eegay, haddana gabadhii ayuu eegay, albaabkii buu mar labaad eegay, ugu danbayn xaggii baaldiga ayuu u dhaqaaqay.

— U yar kaadi inta ay biyuhu diirayaan, ayey tidhi. Halkanna waxa kuu yaal tuwaal nadiif ah, ayey sii raacisay.

— Ma jeelkaad ii taxaabaysaa? ayuu waydiiyay, isaga oo baalidigii sii tiigsanayaa.

— Sidaas kuu gali maayo, meelna kuuma wado, ayey tidhi.

— Dhagayso, halkan waxa aan u imid in aan waxoogaa cunto ah oo aan iliga saaro samaysto, adna waxa aad iga daftay shandadaydii, waxa laga yaabaa in aad bilaa casho ahayd ama ay kaa raagtay. Saw sidaa ma aha?

— Gurigayga cidna ma joogto, ayuu wiilkii yidhi.

— Haddaba innaga ayaa wax wada cuni doonna, ayey gabadhii ugu laabqaboojisay.

— Waxa aan aaminsanahay in aad gaajoonayso— ama aad gaajoonaysay— oo ay taasi ku gayaysiisay in aad shandadayda dafto.

— Waxa aan doonayey kabo maas ah oo buluug ah, ayuu yidhi.

— Gartay, markaa ma in aad kabahaa hesho awgeed baad shandadda iiga gafsiisay, miyaad qunyar tidhaahdid marwo i caawi, ayey ugu caqli celisay Marwo Luella Jones.

Dhidid hooraya ayaa wajigiisii ka soo butaacay, wiilkii gabadhii ayuu ku qalalay.

Sacab dheer ayaa dhacleeyay. Sacab aad u dheer. Markii uu mar iska tiriray dhididkii, mar labaadkii waxa uu iskaga titiri karo ayuu iska waayay, wiilkii wuu isku meeraystay dabadeed waxa xigidoona ayuu dhawray. Albaabku wuu furan yahay. In uu taw yidhaa ayuu istusay, dabadeed cagaha ayuu tamartii iskugu geeyay.

Gabadhu waxa ay dul fadhiday sariir-fadhi. Cabaar kadib waxa ay tidhi:

— Waayaha qaar waxa aan ahaa dhalaan, waxa aannan raadcayn jiray waxyaabo aannan hannan karin.

Sacab kale ayaa baxay. Qawlaladii wiilka ayaa kala waaxmay. Dabadeed cadhuu afka isku qabtay, balse kamuu warqabin cabano kuuskiisa.

Jeer kale gabadhii ayaa tidhi:

— Waxa aad u malaysay in aan wax ku odhan doono, balse waxba kuma odhan, waxa aad filasay in aan sidaa ku odhan doono, hase ahaatee anigu shandadaha dadka ma gafo.

Aamusnaan yar ka dib;

— Waxa aan falay waxayaalo aan ku xiiso galin, Ilaahayna aannu kuu sheegin—waaba haddaanu ogayn bee. Kolkaa wiiloow, halkan iska sii fadhiiso inta aan inoo samaynayo wax aynnu jidiinka marino. Haddaad doonto shaladaa timaha ku feedho oo ku haggaajiso, si qoodhaadu u soo baxdo.

Qolka cidhifkiisa kale ee shaashadda dabadeeda waxa yaalla shoolad iyo talaagad. Marwo Jones way kacday, waxanna ay waydaaratay shaashadda. Gabadhu wiilka isha kuma ay ahayn, si ay ula socoto in uu baxsado iyo in kale, sida oo kale kama ay warqabin in ay shandaddii taallo sariir-fadhida agteeda. Balse, wiilku waxa uu ka taxadaray in uu fadhiisto cidhifka ka durugsan ee ka soo horjeeda, si aannay u arag haddii ay milicsato. Gabadha kuma uu kalsoonayn, xitaa isagu iskuma uu kalsoonayn. Laakiin imika xoog buu uga digtoon yahay in laga shakiyo.

— Miyaad u baahan tahay in istoodhka wax la guu gu doono, ayuu wiilkii waydiiyay; sida caano iyo wax la mid ah.

— Ha rumaysan waayin in aan soo qabsaday, ayey tidhi.

— Haddii aad u baahantahay caano macaan, caano fadhigan ayaan kuu habayni.

— Waa arrin aad u fiican, ayuu yidhi wiilkii.

Waxoogaa biinis ah ayey dabka saartay, khudaar iyo xawaashayn kalana way isku celcelisay, ugu danbayn miiska ayey soo dhigtay. Gabadhu wiilka ma ay wayddiin meeshii uu ku noolaa, aaminaadihiisa iyo wax kasta oo ka yaabiyay toona. Intii aannay cuntada bilaabin, ayey u sheegtay in ay ka shaqayso meel dumarka lagu qurxiyo oo ay habeenkii ku soo daahdo iyo sida ay shaqadu tahay iyo sida ay foodlayda iyo gashaantimuhu u galaa baxaan ayey ku jalbeebisay. Dabadeed, waxa ay qayb uga goysay keegeedii tobanka shilin joogay.

— Wax badan ka cun wiiloow, ayay tidhi.

Markii ay cuntadii dhammaysteen inta ay istaagtay ayay tidhi:

— Imika toban doollar halkaa kala bax, oo ku soo iibso kabaha maaska buluugga ah. Mar danbana ha u noqon qaladkii oo kale, shandad danbana ha iga dafin, cid kalana ha ka dafin. Waayo, kabaha sidaa ashax xumada ah lagu helo, cagaha ayaad kaga guban. Intii iga ga kaa beegnayd waan ka soo baxay. Laakiin, wiiloow waxa aan jeclaan lahaa in aad adna halkaa iska sii anba qaado oo aad inta dhiman dhammaystirto. Gurigii godanka ahaa ayey ka soo dhaqaajisay oo xagga albaabka usoo horkacday.

Inta ay albaabka ka furtay ayey ku tidhi:

— Habeen wanaagsan, waakukaa wiiloow.

Wiilku waxa uu jeclaystay in uu ku yidhaa kalmad aan ahayn:

— Mahadsanid Marwo, laakiin afkiisa ka ma ay soo bixin. Kolkii uu jaleecay albaabkii furnaa waxa uu arkay gabadhii cayilnayd oo albaabka ku soo gudban, dirqi ayuu ‘Mahadsanid’ kula gaadhay, intii aannay albaabka qab ka soo siin. Dibna umuu arag.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News