MUQDISHO (Kaab TV) – Dadweyne careysan ayaa maanta gooyay waddada Xoosh illaa isgoyska Ex-Control Afgooye halkaas oo dhowaan maleeshiyaad hubeysan ay dhigteen isbaarooyin ay lacago kaga dalbanayaan gaadiidka jidka mara.
Dadka careysan oo u badnaa mulkiilayaasha iyo wadayaasha gaadiidka waaweyn ayaa ayaa sheegay inay cabasho ka yihiin isbaarooyin lacago baad ah looga qaato oo waddada ay dhigteen askar ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Mudaaharaadka ayaa sababay in jidka uu xirmo, waxayna dadka careysan diideen in mootooyinka ay maraan waddada iyagoo dalbaday in cabashadooda wax laga qabto.
Maamulka degmada Dharkeenley oo maamula waddadan ayaan wax hadal ah ka sheegin cabashada gaadiidleyda iyo dadka deegaanka Xoosh.

Isbaarooyinka waddada la dhigay ka sokow, waxay dadweynaha ka cabanayaan in kooxo burcad ah ay habeenkii dadka ku isbaareystaan waddada iyaga oo ka qaadanaya telefoonada iyo agabka kale ee muhiimka ah.
Xaafadaha qaar ee ku yaalla Dharkeenley ayay dadweyne la hadlay Kaab TV sheegayaan inaan la mari karin habeenkii mooryaanta hubeysan ee dhaca geysanaysa darteed.


