HARGEYSA (Kaab TV) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in xaaladda abaarta ee ka jirta gudaha Somaliland ay kasii dareyso maalinba maalinta ka danbeyso.
Golaha Wasiirada Somaliland oo kulan ka yeeshay xaaladda guud ee dalka, ayaa soo saaray war saxaafadeed ay ku sheegeen in ay jirto cunto iyo biyo la’aan baahsan oo halis ku ah nolosha dadka.
“Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Mudane Sheekh Cabdullaahi-Baashe Daahir Jaamac oo ah Xubin ka tirsan Guddida Gurmadka Abaaraha Heer Qaran, isaga oo sheegay in maalinba maalinta ka dambaysa Gobollada Dalka oo dhan ay Xaaladda Abaarahu sii adkaynayaan, waxana jira cunto iyo biyo la’aan baahsan oo halis ku ah nolosha dadka,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in loo baahan yahay in la galo Gurmad Qaran oo lagu taakulaynayo dadkeenna ay abaaruhu saameeyeen.
Dhanka kale, Somaliland waxay walaac ka muujisay caqabadaha culus ee ka jira xeryaha Barakacayaasha, oo ay ka mid yihiin biyo la’aan, cunto yaraan, adeegyada caafimaadka oo hoos u dhacay, iyo fursadaha nololeed oo aad u yaraaday.

Wasiirka Wasaaradda Dib-u-Dejinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada, Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac ayaa sheegay in deeqihii iyo gargaarradii ay hore u bixin jireen Hay’adaha Caalamiga ah (Lacago Cash ah, Raashin iyo Biyo Nadiif ah) ay muddooyinkan dambe gebi ahaanba is taageen, taasi oo xaaladda ku sii adkaysay bulshada nugul ee Barakacayaasha ah.
Wasiir Saleebaan wuxuu ka digay xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin bulshada Barakacayaasha dalka, kuwaasi oo ay si ba’an u saameeyeen abaarihii isdaba-joogga ahaa ee dalka ku dhuftay.
Wasiirka ayaa ugu baaqay “Xukuumadda Somaliland, Hay’adaha Samafalka, iyo daneeyayaasha gudaha in ay si degdeg ah u gaadhsiiyaan gurmad bini’aadannimo si loo yareeyo culayska saaran kumannaanka qoys oo ku nool xeryaha barakaca ee dalka oo dhan.”

