New York (Kaab TV)– George Santos oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiillada Mareykanka kana tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa la xiray Arbacada maanta ah George Santos ayaa waxaa lagu soo eedeeyay musuq-maasuq gacan-togaaleysi iyo xatooyo hanti dadweyne Santos oo 34 jir ah ayaa waxa uu hore u diiday baaqyo ahaa inuu is-casilo maadaama uu ka been sheegay shaqadiisa sidoo kale waxaa hore loogu soo oogay inuu khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda isaga oo qariyay asalka lacagta uu ku galay olohiisa doorashada iyo mid uu isticmaalay xilli uu ahaa shaqa la’aan.
Isku soo wada duub, eedeymaha dacwadda lagu soo oogay waxay Santos ku eedeeyeen inay ku tiirsan yahay daacad-darro soo noq-noqotay iyo khiyaanooyin ayuu ku yiri hadal uu soo saaray Breon Peace oo ah qareenka Mareykanka ee degmada Bariga New York Waxyar kadib doorashadii Santos ee 2022 si uu u matalo degmada hodanka ah ee New York Long Island ayaa waxaa baxeysay inuu ka abuuray ololihiisu uu ku soo baxay uuna khiyaameeyay taageerayaasha siyaasadda.
Jairaa’idyada New York Times iyo xarumaha kale ee warbaahinta ay xilligaasi waxay shaaca ka qaadeen inuu ka been sheegay ku dhawaad wax kasta oo ku saaabsan taariikhdiisa shaqsiyeed iyo tiisa xirfadeed.