Muqdisho (Kaab TV) – Dagaal afka ah oo aad u adag ayaa ka dhex curtay maamulka Puntland iyo hoggaanka Villa Soomaaliya, ka dib markii toddobaadkan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul Wasaarihiisa Xamse Cabdi Barre ay weerar afka ah ku qaadeen madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Khilaafka Villa Soomaaliya iyo Siciid Deni ayaa soo taagnaa tan iyo markii Xasan Sheekh uu ku soo baxay doorashadii madaxtinimada ee dhacday 15kii May 2022. Labada dhinac, oohorey isku saf u ahaa, ayaa la sheegay inay ku kala tageen damaca la xiriira awood qeybsiga kuraasta Ra’isul Wasaaraha, golaha wasiirada iyo arrimo kale oo dhaqaaluhu ka mid yahay.
Hase yeeshee khilaafka ayaa bannaanka yimid toddobaadkan markii Madaxweyne Xasan Sheekh, o masjidka Villa Soomaaliya ka dhex hadlay, uu eedeyn culus u jeediyay hoggaamiyaha Puntland, Siciid Deni, oo ku guda jira qabashada doorasho qof-iyo-cod oo toddobaadka dambe la filayo inay ka dhacdo deegaanada Puntland.
Xasan Sheekh ayaa doorashada Puntland ka bilaaban doonta ku tilmaamay “mid aanay dadka deegaankaas iskui wada raacsaneyn”. Wuxuuna ka digay dhibaato ka dhalan karta taasoo uu ku micneeyay in “wixii 24 sano la soo dhisayey ay ku burburin karto 24 saac”.
Deni oo weerar culus ugu jawaabay Xasan iyo Xamse
Hurin colaad
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa durba hadalkiisa loo qaatay inuu hurinayo colaad ka dhex dhacda qabaa’ilka deegaanka Puntland iyo maamulkooda, iyadoo hadalkiisu uu ku soo aaday xilli kooxo maleeshiyo beeleedyo ah ay diidan yihiin qabashada doorashada la qorsheeyay in ay billaabato 15ka bishan May 2023.
Madaxtooyada Soomaaliya intaas kuma koobnaanin, ee waxaa xigay hadal uu jeediyay Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho Talaadadii ayaa ku eedeeyay madaxda Puntland inay hortaagan yihiin horumarka iyo shaqo-siinta dhallinyarada Puntland.
Wuxuu Xamse ku andacooday in in kabadan 400 macallimiin ay diyaar ula yihiin in laga qoro deegaanada Puntland si ay waxbarashada u horumariyaan, balse wuxuu sheegay in la diidan yahay.
Jawaabta madaxweyne Deni
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay xaflad weyn oo ururkiisa Kaah, uu ku qabsaday magaalada Gaalkacyo, ayaa ku sifeeyay hadalka madaxweyne Xasan Sheekh mid lagu diidan yahay dimuqraadiyadda Puntland, iyadoo sida uu yiri ‘horey loo ogaa in Xasan Sheekh uu yahay federaal diid”.
Deni ayaa ku eedeeyay saddexda geesoodka [Xasan Sheekh, Muuse Biixi iyo Ismaaciil Cumar Geelle] ay qorsheeyeen weerarka Laascaanood si loo burburiyo, wuxuuna daliil uga dhigay in weerar lagu soo qaaday magaalooyinka Laascaanood iyo Garowe xilli ay Puntland ka socotay diiwaangelinta doorashada qof iyo cod.
Mar uu ka hadlay Ra’isul Wasaaraha, ayuu Siciid Deni wuxuu ku tilmaamay Xamse inuu yahay “xogheynta Xasan Sheekh” oo shaqooyunkiisa uu qaatay madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cismaan Karaash oo ka falceliyay hadalka Ra’isul Wasaare Xamse ayaa sheegay inay u wanaagsaneyd Xamse inuu iska aamuso maadaama uusan ku fiicneyn hadalka, sida uu yiri.