SO | EN

SO | EN

KUDHAA: Faahfaahinta weerarkii Al-Shabaab oo geystay khasaare dhimasho badan

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Ciidamada Jubaland ayaa maanta oo Jimce ah sii waday nadiifinta miinooyin ay ka tageen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo Arbacadii weerar ku soo qaadat saddex saldhig oo ciidamada Jubaland ku lahaayeen jasiiradda Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka Jubaland ayaa Kaab TV u sheegay in shalay oo Khamiis ahayd ay deegaanka gaareen ciidamo xooggan oo ka tirsan Daraawishta Jubaland iyo qaar ka tirsan kuwa Nabadsugidda, kuwaas oo qarxiyay miino ay kooxda Shabaab ku xireen xarunta saldhigga booliska Kudhaa.

Waxaa tan iyo shalay socday duqwymo diyaaradaha kuwa Militariga Mareykanka, kuwaas oo duqeymo ka beegsaday maleeshiyaadka Shabaab oo firxad ahaa ka dib weerarkii maalinkii Arbacada ay ku qabsadeen Kudhaa.

Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in khasaaraha gaaray Shabaab uu sii kordhayo, iyadoo dhulka howdka ah ee Deegaanka Kudhaa laga helayo meydad hor leh iyo dhaawacyo ay ka carareen Khawaariijta.

“Khasaaraha rasmiga ah ee ay soo gudbiyeen Sarakiisha Ciidamada ayaa muujinaya in tirada guud ee dhimashada Khawaariijta ay gaartay 250, halka gacanta lagu hayo 13 maxbuus, kuwaas oo intooda badan qaba dhaawacyo, lagana soo qabtay dhulka howdka ah ee Deegaanka Kudhaa ilaa maanta,” ayuu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe.

KHASAARAHA WEERARKA IYO ROGAAL CELINTA JUBALAND

Jasiiradda Kudhaa waxay ku dhowdahay soohdinta Soomaaliya iyo Kenya, halkaasoo ciidamada Kenya ay kala socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxda Shabaab oo weeraro ka geysata gudaha Kenya.

War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland shalay oo Khamiis ahayd.
War saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland shalay oo Khamiis ahayd.

Ilo wareed amniga oo Jubaland ayaa xaqiijiyay in dhanka Shabaab ay ka dhinteen wax ka badan 71 dagaalyahan, kuwaas oo badankood dhaawacyo ahaa balse duqeyn lala beegsaday.

Jubaland ayaa dhankeeda ku weysay weerarkii Arbacadii 64 askari iyo labo haween xaasaska ciidanka ahaa oo sida la sheegay ay toogteen maleeshiyaadka Shabaab subaxdii Arbacada ahayd.

MAXAABIIS

Jubaland ayaa sheegtay in 12 nin oo Shabaab ah oo dhaawacyo qaba ay gacanta ku soo dhigeen ciidankeeda.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in 17 maxbuus ay ka qabsadeen ciidamada Jubaland, kuwaas oo ay sheegeen inay ku geeriyoodeen duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday Shabaab xilli ay duurka ku sii wadeen maxaabiista Jubaland.

Kaab TV ayaa ogaatay in labo askari oo ka tirsan Jubaland ay mar dambe kasoo badbaadeen hawdka, kuwaas oo dib loo heley, kuna soo biiray ciidankooda.

Weerarka Arbacadii ay soo qaadeen Shabaab ayaa ahaa mid ku bilawday qaraxyo culus oo ay la beegsadeen saddex fariisin oo ciidamada Jubaland ku sugnaayeen, kuwaa oo ay xigeen dagaal toos ah oo ay maleeshiyada Al-Shabaab kula wareegeen xeryaha.

Weerarka Kudhaa wuxuu yimid maalmo uun ka dib markii weerar midkan la mid ah ay Shabaab ku qaadeen xeryo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku lahaayeen duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News