GAROWE (Kaab TV) – Iyadoo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho isku dayayso inay caqabado hor dhigto dadaallada horumarineed ee Puntland, xubno ka tirsan bulshada rayidka ee Puntland ayaa sheegay in doorka Imaaraadka Carabta (UAE) ee maalgashiga, horumarinta, iyo amniga uu yahay mid muuqda oo wax ku ool ah.
Waxay si gaar ah u xuseen mashruuca DP World ee dekedda Boosaaso, oo loo arko mid ka mid ah mashaariicda ugu waaweyn ee kaabeyaasha dhaqaalaha ee laga hirgeliyo Puntland.
Dr. Cabdifataax Guutaale oo ka mid ah aqoonyahanka Puntland ee qurbaha kasoo laabtay ayaa ku tilmaamay kaalinta UAE mid buuxisay “door ay gabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya”.
Mashaariicda UAE ayaa horseeday casriyeyn ballaaran oo lagu sameeyay dekedda weyn ee Boosaaso oo ah isha dhaqaale ee Puntland, taasoo kor u qaaday awoodda ganacsiga, isla markaana abuurtay boqolaal shaqo oo toos iyo kuwo dadban, kuwaas oo ay ka faa’iideysteen dhalinyaro badan oo reer Puntland ah.
“UAE waxay buuxisay kaalin ay baneysay Dowladda Federaalka oo caawin weyday Dowladda Puntland oo ah xubin Dowladaha Federaalka, taas ayay UAE buuxiyeen,” ayuu yiri Dr. Cabdifataax oo u warramay Kaab TV.
Bulshada rayidka ah ayaa sheegtay in maalgelintaasi ay si weyn u xoojisay dhaqaalaha Puntland, gaar ahaan ganacsiga, dhoofinta iyo soo dejinta, taasoo hoos u dhigtay shaqo la’aanta isla markaana sare u qaaday dakhliga gudaha.
Dhanka amniga, waxay tilmaameen in UAE ay taageero muhiim ah siisay ciidamada Puntland xilli ay dowladdu ku jirtay dagaal adag oo ka dhan ah kooxda Daacish, gaar ahaan buuraha Calmiskaad. Taageeradan ayaa, sida ay sheegeen, gacan ka geysatay xoojinta awoodda ciidanka iyo sii wadista howlgallada amni ee lagula dagaallamayo argagixisada.
Tan iyo aas-aaskii Dowladda Federaalka Soomaaliya, Puntland waxay ahayd mid dhaqaale iyo taageero siyaasadeed siisa dib u dhiska Dowladnimada Soomaaliyeed.
Hase yeeshee, sida uu sheegaayo Maxamed Geelle oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ee Puntland, Dowladda Puntland waxay noqotay dhibbane.
“Reer Puntland waxay tabanayeen dulmi badan oo kaga yimid dowladnimada Soomaaliyeed. Maanta cidda maalgalinta ugu badan ee reer Puntland ku sameystay waa UAE hadday noqoto dhanka dhaqaalaha, amniga iyo mashaariicda horumarineed,” ayuu yiri Geelle oo la hadlay Kaab TV.
UAE waxay Soomaaliya siin jirtay lacag 43.5 milyan illaa $5 milyan oo lagu kabi jiray ciidamada Soomaaliya, hase yeeshee markii uu xumaaday xiriirka xukuumadda Muqdisho iyo UAE, waxay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud taageero beddel ah u doonatay Qatar, halka aan xal loo raadin ciidamada Puntland oo ku tiirsan taageerada UAE.
Taas waxay ka dhigan tahay, sida uu sheegaayo Maxamed Geelle, in dowladda Muqdisho aysan “wax dan ah ka lahayn amniga iyo horumarka Puntland” xilli Puntland ay wajahayso dagaal ay kula jirta kooxaha argagixisada.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay go’doomin ku sameysay Puntland xilliga dagaalka, taasoo keentay in ciidamada Puntland ee ku jiray furimaha dagaalka ay waayaan saad ku filan, qalab ciidan, iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah, gaar ahaan daaweynta askarta dhaawacantay.
Bulshada rayidka ah waxay sheegeen in xaaladdaasi ay si toos ah u saameysay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, isla markaana ay sii xumeysay duruufaha bini’aadantinimo ee ciidanka iyo qoysaskooda.

