SO | EN

SO | EN

Abaarta Jubaland: 1.5 milyan qof oo wajahaya gaajo, barakac iyo rajo-beel

|

AFMADOW (Kaab TV) – Jubaland ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda abaareed ee kasii daraysa ee ka jirta deegaanadeeda, taas oo si toos ah u saameysay in ka badan 1.5 milyan oo qof oo ku nool deegaannada maamulkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland, Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq, oo xubin ka ah guddiga abaaraha ee Jubaland magacawday bishii Disembar, ayaa booqasho ku tagay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo uu ka bilaabay qiimeyn ku saabsan xaaladda abaarta iyo saamaynta ay ku yeelatay nolol-maalmeedka bulshada, gaar ahaan dadka nugul.

Wasiir Cabdiraxmaan Maxamed Dhiriq ayaa sheegay in duruufaha nololeed ee dadka ay abaaruhu saameeyeen ay si xawli ah u sii xumaanayaan, iyadoo uu aad u kooban yahay gurmadka bani’aadannimo ee la heli karo.

“Degmada Afmadow waxaa horey ugu sugnaa kumannaan barakacayaal ah, balse hadda waxaa soo gaaray dad cusub oo ka soo barakacay abaarta ka jirta deegaannada Xagar, Jilib, Bu’aale iyo nawaaxiga Afmadow,” ayuu yiri wasiirka.

Wuxuu intaas ku daray in dadka ay la cararayaan xoolaha tirada yar ee u haray—labo ama saddex neef—iyagoo doonaya inay gaaraan goobo ay biyo ka heli karaan.

Degmada Afmadow ayaa noqotay mid ka mid ah meelaha ugu badan ee ay bilihii la soo dhaafay soo gaareen dadka ka barakacay abaarta, taas oo muujinaysa baahi deg-deg ah oo loo qabo gurmad bani’aadannimo oo joogto ah.

In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay si toos ah u saameysay abaarta Jubaland oo ay ku jiraan barakacaasha soo gaaraya Afmadow.
In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay si toos ah u saameysay abaarta Jubaland oo ay ku jiraan barakacaasha soo gaaraya Afmadow.

Lo’da oo le’aneysa haraad dartiis

Xuseen Cali, oo ah oday da’diisu ku dhowdahay 60 sano kana mid ah dadka ku barakacay Afmadow, ayaa sheegay inuu ku qasbanaaday inuu ka tago deegaankiisii kadib markii ay abaartu dishay dhammaan xoolihii uu lahaa.

“Lo’du waxay noo ahayd nolol. Markii ay abaartu dishay dhammaan xoolihii, waan ka soo kacnay. Waxaan nahay qoysas badan oo hadda ku sugan Afmadow,” ayuu yiri Xuseen.

Warbixinno la helay ayaa tilmaamaya in in ka badan 61,800 oo qof ay ku barakaceen Gobolka Gedo, halka ku dhowaad 13,400 ay ku barakaceen Jubbada Hoose, in ka badan 3,000 na ay ku barakaceen Jubbada Dhexe intii lagu jiray sanadkii 2025. Sidoo kale, in ka badan 2,000 oo qoys ayaa si dhawaan ah ugu barakacay magaalada Afmadow.

In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay si toos ah u saameysay abaarta Jubaland oo ay ku jiraan barakacaasha soo gaaraya Afmadow.
In ka badan 1.5 milyan oo qof oo ay si toos ah u saameysay abaarta Jubaland oo ay ku jiraan barakacaasha soo gaaraya Afmadow.

Jubaland iyo hay’adaha maxalliga ah ayaa sheegay in in ka badan 2 milyan oo xoolo ah ay halis ugu jiraan abaarta ka jirta guud ahaan Gobolka Gedo.

Qiyaastii 78% qoysaska ku nool deegaannada ay abaartu saameysay ee Jubaland ayaa wajahaya cunto la’aan baahsan. Magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe, Ceel Waaq, Bu’aale, Afmadow iyo Garbahaarey ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee ay abaartu saameysay.

Qaar ka mid ah deegaannada Jubaland, gaar ahaan Jubbada Dhexe, ayaa inta badan waxaa maamula kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo xannibaad ku haya gaarsiinta gargaarka bani’aadannimo.

Arrintan ayaa sababtay in dad badan ay ka qaxaan deegaannada ay kooxdaasi ka taliso, iyagoo u soo hayaamaya deegaannada ku dhow magaalada Kismaayo. Al-Shabaab ayaase sameysay guddi abaaraha oo maamulkeeda hoostaga.

Xaaladda abaareed ayaa sii cakirmay kadib markii la waayay roobabkii Deyrta (Oktoobar–Diseembar), taas oo rajo beel weyn ku abuurtay xoolo-dhaqatada iyo beeralayda noloshoodu ku tiirsan tahay roobka.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka badan 4.6 milyan oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya – oo u dhiganta ku dhowaad rubuc dadweynaha – ay saameyn ku yeelatay xaaladda abaaraha.

Guud ahaan Soomaaliya, maalgelinta gargaarka bani’aadannimo ayaa hoos u dhacday, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in keliya 23.7% la helay lacagihii loogu baahnaa qorshaha gargaarka bani’aadannimo ee sanadkan 2025.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News