Maraykanka(Kaab TV) -Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa la sheegay in uu u yeeray Madaxa howlgalka musaafurinta ee jooga Gobolka Minnesota gaar ahaan Magaalada Minneapolis kaddib markii ay kordheen culayska uga imaanaya Madaxdii hore ee Dalkaas & Maamulka Gobolkaas.
Sida ay xaqiijiyeen ilo la hadlay Warbaahinta Gudaha, Xiriir Telefoon oo dhexmaray Madaxweyne Donald Trump iyo Guddoomiyaha Gobolka Minnesota, Tim Walz waxaa lagu go’aamiyay in Ciidanka ICE laga qaadayo Gobolkaas.
Tani waxa ay wax weyn ka baddeleysaa fowdaha iyo rabshadaha ay horseedeen Ciidamda isugu jira Federaalka iyo kuwa ICE ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Gobolka Minnesota, waxa ay arrintu gaartay heer la toogtay labo qof oo rayid ah.
Cadaadista Madaxweyneyaashii ka horreeyay Donald Trump waa Barack Obama & Bill Clinton ayaa waji kale u yeelay damaca Madaxweynaha hadda kursiga ku fadhiya oo qorshihiisu ahaa sidii uu gebi ahaan u masaafuin lahaa Ajaanibta ay ugu horreyso Soomaalida.
Bulshada Minnesota ayaa garab istaag u muujiyay Bulshada Soomaaliyeed ee cadaadiska iyo culayska kala kulmay Maamulka Donald Trump, waxa ay albaabada isugu dhufteen goobahooda Ganacsiga iyaga oo qayb ka noqday dibadbaxyada ka dhanka ah Ciidanka ICE.

