Muqdisho (Kaab TV) – Sida u shaaciyay Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa hadda dacwad ka dhan ah Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya loo gudbiyay Bangiga Adduunka ka dib markii gabar ka shaqeyneysay mashruuc uu Bangigu taageero lagu beegsaday Muqdisho.
Qoraal uu qoray xildhibaan Abiib, oo nuqul ka mid ah uu heley Kaab TV, ayaa muujinaya in Ayaan Siciid Tukaale, oo ah gabar kasoo jeeda gobolka Awdal, kana shaqeyneysay mashruuca RCRF ee dib u habeynta shaqaalaha guud ee dowladda ee Wasaaradda Maaliyadda, lagula kacay fal takoor, hanjabaad iyo isku day kufsi.
Cabduqaadir Sulaymaan
Sida uu sheegay xildhibaan Abiib, waxaa Ayaan lagu beegsaday shaqadeeda, iyadoo falalka handadaada, caga jugleynta, takoorka iyo isku day kufsi uu kula kacay agaasimaha waaxda RCRF ee Wasaaradda Maaliyadda Cabduqaadir Sulaymaan.
Qoraalka dacwadda, oo loo gudbiyay Bangiga Adduunka 30 Abriil 2023, ayuu xildhibaanku ku sheegay in Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Nuur uu ku guuldareystay “inuu dhowro xuquuqda shaqaalaha ka shaqeeya Wasaaraddiisa, iyo inuu shaqada ka joojiyo Cabduqaadir Sulaymaan”.
“Haddii uu Wasiirku ka joojin waayo Cabduqaadir Sulaymaan shaqada, ma jiri doonto wax doorasho ah oo aan heysto oo aan ka ahayn inaan adeegsado awoodeyda korjoogteynta, waxaana baarlamaanka uga yeeri doonnaa Wasiirka oo aan kula xisaabtami doono sababta uu shaqada uga joojin waayey Cabduqaadir Sulaymaan,” ayuu yiri xildhibaan Abiib.
Xuquuqda shaqaalaha iyo haweenka
Sida ay dhigayaan xeerarka dalka iyo shuruucda caalamiga, kuwaasoo laga doonayo in hay’adaha dowladda ay ku dhaqmaan, waxaa reebban in shaqaalaha dumarka lagula kaco falal kufsi ama ka faa’ideysi galmo.
Xildhibaan Abiib ayaa sheegay in markii shaqada laga ceyriyay Ayaan Siciid Tukaale lagu bedelay qof ay qaraabo yihiin Wasiirka.
Weli Wasiirka Maaliyadda iyo Cabduqaadir Sulaymaan kama soo jawaabin eedeymahan culus ee loo jeediyay.