MUQDISHO (Kaab TV) –Taliyaha ciidanka AUSSOM), Gen. Sam Kavuma, ayaa booqday magaalada Mubaarak oo dhowaan laga saaray kooxda Al-Shabaab, si uu u qiimeeyo heerka diyaargarowga dagaal ee ciidamada howlgalka Midowga Afrika iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Booqashadan ayaa timid kadib hawlgal wadajir ah oo lagu xoreeyay magaalooyinka Mubaarak iyo Durasalaam, sida ay sheegeen saraakiil militari.
Kavuma ayaa ku ammaanay ciidamada wadajirka ah adkeysiga, geesinimada iyo dadaalka ay muujiyeen intii uu socday hawlgalku. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay hoggaanka AUSSOM, gaar ahaan ciidamada Uganda (UPDF), ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ah ee taageeraya hawlgallada amniga ee dalka.
Taliyaha Qaybta Koowaad ee howlgalka, Brig. Gen. Jackson Kayanja, ayaa sheegay in niyadda ciidamada ay weli sarreyso, isla markaana ay diyaar u yihiin inay xoojiyaan guulaha laga gaaray hawlgalkan.
Dhankiisa, taliyaha Battle Group 44, Col. Owiny Akena, oo sidoo kale ahaa taliyaha hawlgalkan, ayaa xaqiijiyay in labada magaalo ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada wadajirka ah.
Lt. Sayidnuur Abdullah Warsame, oo ku hadlayay magaca ciidamada Soomaaliya, ayaa uga mahad celiyay ciidamada AUSSOM taageeradooda iyo wada shaqaynta ay muujiyeen intii uu socday hawlgalku.
Kavuma ayaa dadka degaanka oo uu la kulmay ku booriyay in la xoojiyo nabadda iyo xasilloonida, isla markaana la dardar geliyo soo kabashada dhaqaale iyo mid bulsho ee deegaanka. Dadka deegaanka ayaa dhankooda soo dhoweeyay ciidamada, iyagoo sheegay in amniga dib loogu soo celiyay aagga.

