MUQDISHO (Kaab TV) –Somaliland ayaa sheegtay in ay furatay dacwad caalami ah oo ay u gudbisay hay’adda hawada ee Qaramada Midoobay, taas oo ay doonayso in ay kula wareegto maamulka hawadeeda, isla markaana ay kaga gudubto nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-visa) ee Soomaaliya kusoo rogtay dadka u socda Hargeysa.
“Soomaaliya ayaannu dacweynaynaa, waayo waxay sheeganaysaa in ay hawada Somaliland maamusho, mana maamusho, mana joogto, amarkeeduna kama shaqeeyo. Marka sharciyada ay sheeganayso ee ay leedahay annaga ayaa hawada maamula, ayaannu caddaynay in aanay maamulin,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux,
Waxa uu sheegay in awoodda dowladda Soomaaliya ee maamulka hawada Somaliland aanay buuxin karin shuruudaha laga rabo, kuwaas oo ay ka mid yihiin in diyaaradaha la siin karo degis degdeg ah haddii loo baahdo, in ay maamusho garoomada Hargaysa iyo Berbera, iyo in diyaaradaha shil ku gala hawada Somaliland loo gurman karo.
Waxa uu sheegay in halkii ay dowladda Soomaaliya kala hadli lahaayeen ay go’aansadeen in ay marka hore ictiraaf raadsadaan. Kadib markii Israa’iil aqoonsatayna, ay codsadeen in hawada Somaliland lagu dhaqo xeerka waddamada qayb ahaan aqoonsiga haysta sida Kosovo iyo Taiwan, kuwaas oo loo oggolaaday in ay hawadooda maamulaan.
Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in dacwadu meel fiican marayso, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay in Somaliland ay ku guulaysan doonto in loo oggolaado in ay maamusho hawadeeda. Waxa uu sheegay in laga yaabo in arrintu wakhti qaadato, balse geeddi-socodkii uu durba bilaabmay.
Waxa uu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay u hirgelisay nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-visa) si ay dhaqaale uga samayso, isla markaana cadaadis loogu saaro bulshada Somaliland.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in nidaamka dal-ku-galka danabaysan uu u sahlayo in ay la socoto dadka soo galaya gudaha Soomaaliya, taasina ay kor u qaadayso nabadda iyo awoodda maamul ee dowladda.

