Siduu madaxweyne Laftagareen kaga badbaaday shirqoolkii Sacuudiga loogu dhigay?

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa si dirqi ah uga badbaaday shirqool la sheegay in Villa Somalia soo abaabushay intii uu ku sugnaa Sacuudiga oo uu u joogay Cumro, sida ay ilo xog-ogaal ah u sheegeen @KaabTV.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la sheegay inuu helay xog digniin ah oo muujinaysa in lagu qasbi karo inuu Muqdisho ugu safro diyaarad uu la socdo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, halkaas oo ugu dambayn laga yaabo in lagu xiro xabsi guri, xilli Villa Somalia diyaarinaysay qorshe ay si keligeed ah ugu hirgelinayso hanaan doorasho oo Koonfur Galbeed ka dhaca.

Nasiib wanaag, Madaxweyne Laftagareen ayaa si degdeg ah uga baxay Sacuudiga Isniintii, isagoo u duulay Itoobiya, halkaas oo markii dambe diyaarad looga qaaday Baydhabo, taasoo uu ku xaqiijiyay sii haynta hoggaankiisa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News