BAYDHABO (Kaab TV) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa kulan deg-deg ah la yeeshay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, si looga wada hadlo xaaladda siyaasadeed ee gobolka, gaar ahaan arrimaha la xiriira faragelinta la dareemayo ee ay degaanadaasi kawado Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa ujeedadiisu ahayd in la xoojiyo wada-tashiga iyo iskaashiga maamulka Koonfur Galbeed iyo hogaamiyeyaasha bulshada, iyadoo la iska kaashanayo sidii loo ilaalin lahaa midnimada, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha Dhaqanka la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isaga oo carrabka ku adkeeyay Muhiimadda ilaalinta dastuurka dalka, Xoojinta madax-bannaanida Dowlad Goboleedka iyo Wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi.
Odayaasha Dhaqanka ayaa dhankooda muujiyay walaacooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee degaanada Koonfur Galbeed, iyagoo ku boorriyay in la xoojiyo midnimada bulshada, lana ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida dhammaan deegaanadaasi.
Ugaas Xasan, Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo u daabushay magaalada Baraawe, taas oo loo arkay mid khatar ku ah midnimada Koonfur Galbeed.
Waxa uu tilmaamay in adeegsigii hore ee ciidanka qaranka ee loo adeegsaday duminta Dowlad Goboleedka Jubaland, gaar ahaan dhacdadii Raaskambooni, aysan Dowladda Cashar wali ka baran, waxaana uu cadeeyay in ay Koonfur Galbeed ay arimahaasi uga hortagi doonaan isku duubni iyo gacan bir ah.

