Maleeshiyaad Beesha Eelaay oo ka baxay Baydhabo iyo cabashooyin ka dhashay qeybsiga awoodda

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Maleeshiyaad aan tiradooda la shaacin oo ka soo jeeda Buurhakaba ayaa isaga baxay magaalada Baydhabo, iyagoo sheegay inay ka caroodeen inaysan wax saamayn ah ku yeelan ama ka helin qeybsiga maamulka Koonfur Galbeed.

Maleeshiyaadkan oo ka soo jeeda beesha Eelaay ayaa hore uga qeyb qaatay duullaankii ay dowladda federaalka ku qaaday magaalada Baydhabo dhammaadkii bishii Maarso ee sannadkan, markaas oo maamulkii hore ee Koonfur Galbeed uu isaga baxay magaalada.

Ma jirto saraakiil si rasmi ah ugu hadashay maleeshiyaadka beesha Eelaay, hase yeeshee ilo amni oo ku sugan Baydhabo ayaa Kaab TV u sheegay in maleeshiyaadka iyo hoggaankooduba ay ka caroodeen “inaysan helin tixgelin iyo maamuus ay filayeen in la siiyo.”

Beesha Eelaay ayaa la sheegay inay filaysay inay door muuqda ku yeelato hoggaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kadib markii uu meesha ka baxay maamulkii Cabdicasiis Laftagareen.

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hoggaan ku-meel-gaar ah u magacowday ku xigeenkii ra’iisul wasaaraha, Jibriil Cabdirashiid, oo ka soo jeeda beesha Garre.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ilo wareedyo ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qorsheynayo in madaxtinnimada Koonfur Galbeed loo dhiibo Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda beesha Hadame.

Aadan Madoobe ayaa ka tirsan xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP, arrintaas oo ka careysiisay siyaasiyiin badan oo damacsanaa inay u tartamaan kursiga hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Maleeshiyaadka ka baxay Baydhabo ayaa la sheegayaa inay u ruqaansadeen dhanka degmada Buurhakaba, halkaas oo markii hore ay uga soo duulaan tageen ciidamada dowladda federaalka ee ay Turkigu tababareen.

Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor iyo Haramcad ku daabushay magaalada Baydhabo. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in amni darridu ay sii kordhayso, iyadoo ay bateen dilalka iyo dhaca hubeysan, oo ay ku jiraan guryaha oo habeenkii la jabsado lagana qaato agabka yaalla.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sidoo kale toddobaadyadii la soo dhaafay weerarro dhowr ah ka geysatay gudaha iyo hareeraha magaalada Baydhabo.

Ilaa iyo hadda, dowladda federaalka kama aysan hadlin xiisadda cusub ee ka taagan magaalada Baydhabo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News