Dambi baarista Kenya oo waqti loo siiyay in ay ku baarto Musharrax Sahra Axmed Barre oo ku eedeysan kicinta Dadka

|

KENYA (Kaab TV) -Hay’adda Baarista Dambiyada Kenya ee DCI ayaa 10 cisho loo siiyo in ay ku baaraan kiiska lagu eedeeyay Musharrax Sahra Axmed Barre oo ah ‘Kicin Dadweyne’ iyada oo ugu dambayn xabsi la dhigay si looga hortago fariinta ay dirtay.

Waxa ay bannaanka soo dhigtay kiisas badan oo ku saabsan Gabdho lagu kufsaday Dhulka Soomaaliyeed ee maamul ahaan haatan hoostaga Kenya (NFD), waxa ay xustay in dambiyadaas ka dhanka ah Haweenka aanay jirin cid lagula xisaabtamay.

Laamaha ammaanka Kenya ayay ku dhaliishay in ay ka gaabsadeen, waxaana hadalkaas kaddib la amray in lasoo qabto si looga hortago kicinta Dadka looguna soo oogo dacwad ka ah ah hadallada adag ay adeegsatay sida hadalka loo dhigay.

“Gabdhaha naga way dulman yihiin, kufsi ayaa loo gaystaa, Safiyo ayaa lagu kufsaday xeryaha dhadhaab waana la dilay mana jirto wax tallaab ah oo Dowladda Kenya ay qaadday, maxay inoo qabteen Dadka ina matalaya” Sidaasi waxa ay ku tiri muuqaal ay iska soo duubtay Sahra Axmed Barre kahor inta aan la xirin.

War kasoo baxay Hay’adda Dambi baarista Kenya DCI ayaa lagu sheegay in qofka u haysto xorriyad dastuuri ah balse aanay laga aqbali Karin in uu gidaarka ka tallaabo, waxa ay Hay’addaas u digtay cid weliba oo dadka kicinaysa ama abaabulaysa dhibaato.

“Waxa aan Shacabka ku boorrineynaa in ay is xakameeyaan marka ay hadlayaan, kana fogaadaan ficillo kicin kara kala qaybsanaan ama nacayb, qofka waxa uu haystaa xorriyad dastuuri ah balse ma ahan in uu u adeegsado mid ka baxsan xeendaabka sharciga ogol yahay” Sidaasi waxaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda DCI.

Sahra waxa ay kamid tahay Musharrixiinta Gaarisa ee sanadka soo socda 2027, kiisaska lagu oogayo waa kuwo culus oo ay ku mutaysan karto xabsi sidoo kalena looga hortaagi karo musharraxnimadeeda, waxaana billawday kulamo looga hortagayo dibadbaxyo ka dhan ah Xarigeeda sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News