Mungaab oo xilka ka qaaday Guddoomiyeyaal ku soo baxay Doorasho qof iyo cod ah!

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Duqa magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xilka kaga qaaday guddoomiyeyaashii degmooyinka Dayniile, Cumar Mohamud Mahadale, Shangaani, Safiyo Cismaan Maxamed, iyo Gubadley Cabdullaahi Nuur Maxamuud.

Su’aallo iyo hadalheyn ayaa ka dhashay xil ka qaadista Mas’uuliyiintan oo bishii Decembar ee sannadkii 2025 lagu soo doortay Doorasho qof iyo cod ah oo ay u dareereen dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa shaqada looga eryay Mas’uuliyiintan oo ka tirsan golaha deegaanka ee degmooyinka ay maamulayeen.

Sababta xilka qaadista Guddoomiyeyaashan laguma sheegin wareegtada, balse waxaa la shaaciyay mas’uuliyiinta badaleysa.

In kasta oo Duqa Magaaladu uu cuskaday baahida loo qabo dardar-gelinta adeegyada iyo bilicda, haddana beddelista madaxdii la doortay iyadoo aan loo marin nidaam doorasho kale ayaa loo fasiran karaa mid dib u dhac ku yimid qorshaha Dowladda Federaalka.

Dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigiisa sii dhamanaya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caddeeyay in aan Digreeto lagu soo magacaabi doonin mas’uuliyiinta degmooyinka.

Mungaab ayaa u muuqda inuu qaatay go’aan ka hor imaanaya himilada Dowladda oo ah hirgalinta Doorasho qof & cod ah iyo weliba in laga gudbo nidaamka magacaabista oo u muuqda mid aan u adeegnayn danaha bulshada.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News