MUQDISHO (Kaab TV)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa Villa Somalia ku qaabilay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Francesca Di Mauro.
Kulanka dhexmaray Madaxweynihii hore iyo Danjiraha ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Labada dhinac ayaa ayaa isku afgartay in la sii wado Iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Mashaariicda horumarined iyo arrimaha Bulshada.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyay Midowga Yurub doorka ay ka qaataan mashaariicda horumarineed iyo taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda mudnaanta u leh qaranka.
Dhankeedana, Danjire Francesca Di Mauro ayaa dib u xaqiijisay sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay sii wadista wadashaqaynta dhow iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo dimuqraadiyadda, amniga, iyo dowlad-wanaagga Soomaaliya.
Midowga Afrika ayaa kamid ah Hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya siiya Taageerada dhinacyada kala duwan ah sida Amniga, Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

