Itoobiya(Kaab TV) –Itoobiya ayaa maanta ku eedeysay Masar in ay caqabad ku tahay damaca dalkaasi ee helitaanka marin badeed iyo deked ay leedahay, xilli ay cirka isku sii shareertay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex aloosan labada dowladood.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Nebiat Getachew oo maanta qabtay shir jaraa’id, ayaa sheegay in dowladda Masar ay isku dayayso inay carqaladayso dadaallada ay Itoobiya ugu jirto sidii ay u heli lahayd marin badeed istaraatiiji ah.
Af-hayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Itoobiya aysan marnaba ka tanaasuli doonin hammigeeda ah inay yeelato deked, isagoo yiri: “In Itoobiya ay ahaato dal badda ka xiran waa mid aan la aqbali karin.”
Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in 120 Milyan ee shacabka Itoobiya ay wax ku doonayaan wada wada hadal iyo nabad.
Qeela dhaanta Itoobiya ayaa ku soo aadeysa xilli, dhawaan heshiis ay ku dhawaaqeen dowladaha Masar iyo Eretariya oo shaaciyay in ay si wadajir ah u difaaci doonaan Amniga Badda Cas.
Itoobiya iyo Masar oo hore isugu hayay Biyo-xireenka Webiga Nile ayaa hadda waxaa uu khilaafka labada dal u wareegay dhinaca Badda Cas iyo loolanka saameynta Awoodda Gobolka.

