DEG DEG: Rasaas goor dhow ka bilaabatay hoyga Shiikh Shariif

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir Waxaa ka taagan xaalad aad u kacsanan ah , halkaas oo uu ku yaallo hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kadib markii la maqlay Rasaas xooggan oo ka dhacaysa nawaaxiga.

Goobjoogayaal ku sugan  ayaa sheegay in rasaasta culus iyo midda fudud laga maqlayo agagaarka hoyga Sheekh Shariif, iyadoo ay jirto cabsi sii kordheysa oo ay qabaan dadka deegaanka oo ka walaacsan in xaaladdu isu beddesho iska horimaad ballaaran.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in halkaasi ay saacado badan isku hor fadhiyeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wata gaadiid dagaal iyo ciidamo ilaalo u ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Xiisadda labada dhinac ayaa la sheegay inay sii xoogeysatay intii lagu jiray saacadaha fiidkii caawa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in rasaasta ay dhexmarayso labada dhinac.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ama xafiiska Sheekh Shariif oo si cad u xaqiijinaya faahfaahinta dhacdada iyo khasaaraha ka dhashay. Sidoo kale, lama oga tirada dadka ku waxyeelloobay haddii ay jiraan dhimasho ama dhaawac.

Xiisaddan cusub ayaa kusoo beegmeysa saacado un kadib dagaal iyo iska horimaad ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre. Dagaalkaasi ayaa sababay in xaaladda amni ee magaalada ay sii xumaato, iyadoo labada dhinac ay is weydaarsadeen eedeymo ku saabsan cidda mas’uulka ka ahayd bilowga rabshadaha.

Mucaaradka ayaa dowladda ku eedeeyay inay weerarro ku qaaday siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ku howlanaa kulamo siyaasadeed iyo diyaar-garow bannaanbaxyo nabadeed, halka dowladda iyo hay’adaha ammaankuna ay ku andacoonayaan in ciidamada ay ka hortagayeen kooxo hubeysan oo doonayay inay carqaladeeyaan amniga Muqdisho.

Sida ay sheegayaan ilo kala duwan, ciidamada ammaanka ayaa maalintii oo dhan si weyn loogu arkayay waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho, iyadoo gaadiid gaashaaman iyo ciidamo dheeraad ah la geeyay meelo badan oo ka tirsan caasimadda. Tallaabooyinkan ayaa lagu macneeyay inay la xiriiraan heegan amni oo sareeya oo ay dowladda ku wajahday dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee socda.

Dadka ku nool degmada Cabdicasiis iyo xaafadaha ku dhow ayaa lagu soo warramayaa inay guryahooda ku nagaadeen, halka qaar kalena ay ka fogaadeen goobaha laga maqlayo rasaasta, iyagoo ka cabsi qaba in xaaladdu sii fido.

Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa ka digaya in haddii aan si degdeg ah loo dejin xiisadda taagan, ay saameyn ku yeelan karto amniga iyo xasilloonida Muqdisho, gaar ahaan iyadoo ay magaalada ka jiraan muranno siyaasadeed oo xooggan iyo qorshayaal bannaanbaxyo ah oo la filayo inay dhacaan.

Dadka ku nool magaalada muqdisho ayaa cawa waxay u tahay mid adag Dadka qaara ayaa bilaabay in ay ka Barakacaan quryahooda ka dib markii ay soo wajahaday cabsi xooggan.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan warar dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda ka jirta agagaarka hoyga Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyadoo shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkuba si dhow ula socdaan dhacdooyinka ka socda caasimadda Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News