Wasiir Aadan Barre Ducaale: Soomaalida Kenya maanta ayay heshay xorriyad siyaasadeed

|

Kenya (Kaab TV) –Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ee Kenya ay maanta heshay fursado iyo xorriyado siyaasadeed oo aan hore loo siin jirin, isagoo difaacay siyaasadaha Madaxweyne William Ruto ee ku wajahan gobolka Waqooyi Bari iyo bulshada Soomaaliyeed.

Ducaale ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu ka hadlayay ismaamulka Wajir County, isagoo sheegay in muddo dheer ay Soomaalida Kenya la kulmeysay takoor iyo caqabado ka jiray dhinacyada waxbarashada, shaqooyinka dowladda iyo ka qaybgalka maamulka.

“Soomaalida Kenya hadda ayay xornimo heshay. Madaxweyne Ruto waxaa loola dagaalayaa maxaad Soomaalida wax u siisay,” ayuu yiri Ducaale.

Wasiirka ayaa xusay in dowladihii hore ay jireen xannibaado iyo tuhunno amni oo saameyn ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in xaaladdaasi ay is beddeshay intii uu xilka hayay Madaxweyne Ruto.

Ducaale wuxuu sheegay in dowladda hadda jirta ay maalgelin ku samaysay waxbarashada, gaar ahaan gabdhaha, isla markaana ay kordhisay fursadaha horumarineed ee gobollada ay Soomaalidu degto.

Wuxuu sidoo kale ku ammaanay Madaxweyne Ruto doorkiisa ku aaddan matalaadda iyo ka qaybgelinta bulshada Soomaaliyeed ee hay’adaha dowladda, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye fahmay baahiyaha iyo cabashooyinka bulshadaas.

Hadalka Ducaale ayaa ku soo beegmaya xilli ay Kenya ka socdaan dooddo siyaasadeed oo la xiriira sinnaanta adeegyada dowladda, horumarinta gobollada waqooyi bari iyo kaalinta ay bulshada Soomaaliyeed ku leedahay siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News