MUQDISHO (Kaab TV) –Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeymo culus u jeediyay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, iyagoo sheegay in dhibaatooyin ballaaran ay hareeyeen adeegyada loo fidiyay xujaajta Soomaaliyeed intii lagu jiray Xajka sanadkan.
Xildhibaanadan oo kala ah xildhibaan Cabdicasiis Qambi, xildhibaan Samsam Maxamed Cumar Gobsan iyo xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa sheegay in xujey badan ay la kulmeen hoy aan ku habboonayn, gaadiid yari, cunto la’aan iyo adeegyo kale oo liita, kuwaas oo saameeyay gudashada waajibaadka xajka.
Xildhibaanadu waxay sheegeen in qaar ka mid ah xujeyda lagu dejiyay goobo ka fog meelaha cibaadada, halka kuwo kalena lagu dajiyay dhismayaal aan ku habboonayn qaabilaadda dadka xajka gudanaya. Waxay sidoo kale tilmaameen in xaalado adag ay ka jireen Mina, Muzdalifah iyo Carafo, xilli heerkulka sare uu saameyn ku yeeshay xujaajta.
Sida ay sheegeen xildhibaanadu, markii ugu horreysay ayay xujey Soomaaliyeed cabashooyin iyo mudaharaadyo ka sameeyeen gudaha Sacuudiga, iyagoo ka cawday gaajo, hoy xumo iyo adeeg la’aan. Xildhibaanadu waxay ku doodeen in arrintaasi dhaawac ku tahay sumcadda dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan Gobsan ayaa su’aal gelisay qaabka loo maamulay lacagaha laga qaado xujaajta iyo adeegyada xajka, iyadoo dalbatay in si cad loo muujiyo halka ay ku baxeen dhaqaalaha lagu ururiyay howlaha xajka. Waxay sidoo kale ku eedeysay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda inay ku dhaqmeen handadaad iyo cabsi gelin loo jeediyay shirkadaha xajka iyo dadka cabashooyinka soo bandhigay.
“Waxaa lagu xisaabtami doonaa golaha sharci dejinta, waxaana la ogaan doonaa wixii ku dhacay xujaajta Soomaaliyeed,” ayay tiri xildhibaan Gobsan, iyadoo sheegtay in guddiga ay ka tirsan tahay uusan ka hari doonin dabagalka arrintan.
Xildhinaan Buraale oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga korjoogtaynta Xajka, ayaa sheegay in guddiga Xajka uu si toos ah ula kulmay xujey ay saameeyeen dhibaatooyinka jira, isagoo xusay in ballanqaadyo la xiriiray kordhinta diyaaradaha iyo hagaajinta adeegyada aan la fulin. Wuxuu si gaar ah u dhaliilay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Mukhtaar Roobow, isagoo sheegay in wasaaraddu ku guuldarreysatay wax ka qabashada cabashooyinka xujeyda.

