MUQDISHO (Kaab TV) –Hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo ururrada haweenka ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay inay si sharci darro ah u xirtay gabadha u ololeysa arrimaha bulshada ee Sacdiya Moalim Cali, iyagoo dalbaday in si shuruud la’aan ah loo sii daayo.
Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen afar urur oo caalami ah ayaa lagu sheegay in Sacdiya, oo sidoo kale loo yaqaan “Sacdiya Bajaj”, loo xiray aragtiyadeeda iyo dhaqdhaqaaqeeda nabadeed ee ay ku muujisay baraha bulshada iyo dibadbaxyada ay ka qaybgashay.
Ururradu waxay sheegeen in Sacdiya, oo 27 jir ah, ay ciidamada hay’adda sirdoonka Soomaaliya qabteen 12-kii Abriil degmada Hodan ee Muqdisho. Sida bayaanka lagu sheegay, markii hore waxaa lagu hayay saldhigga booliska Hamar Jajab ka hor inta aan loo wareejin xabsiga dhexe ee Muqdisho, halkaas oo ay weli ku xiran tahay.
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa 6-dii May sheegay inuu baarayo eedeymo la xiriira aflagaaddo iyo kicin dadweyne, halka maxkamadda gobolka Banaadir ay 1-dii Juun kusoo oogtay dacwad ku saabsan “caayda hay’adaha dowladda” iyo “kicin dadweyne”. Qareenka Sacdiya ayaa ka horyimid eedeymahaas, waxaana maxkamaddu dalbatay in dacwad-oogistu caddeyn dheeraad ah keento.
Bayaanka ayaa sidoo kale xusay warar sheegaya in Sacdiya ay la kulantay jirdil ama si xun loola dhaqmay intii ay xabsiga ku jirtay, isla markaana laga hor istaagay qaar ka mid ah xuquuqdeeda sharciyeed. Waxaa sidoo kale lagu sheegay in Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya uu sheegay in laga xanibay la kulanka eheladeeda.
Ururradu waxay sheegeen in xadhigga Sacdiya uu qayb ka yahay cadaadis sii kordhaya oo lagu hayo xorriyadda hadalka iyo isu imaatinka tan iyo sanadkii 2022, iyagoo sheegay in saxafiyiin, dhaqdhaqaaqayaal iyo muwaadiniin kale ay wajahayeen xarig, hanjabaado iyo cabsi gelin la xiriirta aragtiyahooda.
Bayaan-wadajirka ayaa ugu dambayn ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah u sii deyso Sadiya, dammaanad qaaddo badbaadadeeda inta ay xiran tahay, isla markaana joojiso xarigga iyo cadaadiska lagu hayo dadka cabbiraya aragtiyahooda.
Sidoo kale waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay dowladda Soomaaliya kala hadlaan kiiskan oo ay ku dadaalaan ilaalinta xuquuqda dadka u dooda xuquuqda aadanaha iyo saxaafadda.

