Muqdisho oo caawa geli doonta saacado koronto iyo internet la’aan ah

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Magaalada Muqdisho ayaa caawa geli doonta saacado koronto iyo internet la’aan ah, xilli ay taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa hoggaanka dowladda iyo mucaaradka.

Sida ay shaaciyeen shirkadaha korontada ee BECO iyo isgaarsiinta Hormuud, waxaa caawa la sameyn doonaa hawlo farsamo oo saameyn doona adeegyada korontada iyo internet-ka.

Shirkadaha Hormuud iyo BECO ayaa ogeysiisyo ay soo saareen ku wargeliyey shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho arrintan.

Labada shirkadood ayaa sheegay in hawlaha cillad-saarista iyo dayactirka farsamo ay bilaaban doonaan 1:00 habeenimo, waxaana la filayaa inay socdaan illaa 4:00 AM.

Sida ku xusan ogeysiisyada, shaqooyinka la qabanayo ayaa la xiriira hagaajinta iyo hubinta habsami-u-socodka adeegyada ay bixiyaan shirkadaha, si loo yareeyo cilladaha iman kara mustaqbalka.

BECO iyo Hormuud ayaa shacabka ka dalbaday inay u dulqaataan hakadka ku-meelgaarka ah ee ku iman doona korontada iyo internet-ka, iyagoo xusay in tallaabadan ay muhiim u tahay tayeynta adeegyada.

“WARGELIN: Macmiilkeenna sharafta leh, waxaan si xushmad leh kuugu wargelinaynaa in aan hawlo horumarin ah ka qaban doonno adeegga internet-ka laga bilaabo 11/06/2026 saacadda 1:00 AM ilaa 4:30 AM habeenimo. Waxaan kaa codsanaynaa in aad noo dulqaadato haddii aad muddadaas culeys dareento. Mahadsanid,” ayaa lagu yiri farriinta Hormuud.

Sidoo kale, farriinta shirkadda korontada ee BECO ayaa lagu yiri: “Mudane Macmiil, waxaa ka maqnaan doona adeegga korontada 11/06/2026 saacadda 01:00 AM ilaa 03:00 AM, sabab la xiriirta dayactir.”

Hakadka adeegyada ayaa saameyn kara kumannaan qof oo ku tiirsan korontada iyo internet-ka ee magaalada Muqdisho, iyo sidoo kale qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee caasimadda, maadaama labada adeeg ay laf-dhabar u yihiin howlaha maalinlaha ah.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah mucaaradka, kuwaas oo toddobaadkii lasoo dhaafay uu dhexmaray dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News