Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil gaari oo ka dhacay gobolka Sanaag

|

Sanaag (Kaab TV) – Gobolka Sanaag Waxaa ka dhacay  shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu  sida ay goob joogeyaal xaqiijiyeen warbaahinta.

Gaariga oo ahaa nuuca Baska ayaa waxaa la socday Ciyaartoy ka yimid magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ku sii jeeday magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeriyooday, halka shan kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo lagu dabiibayo xarruumaha caafimaadka ee Badhan.

Citaartoyda shilka gashay ayaa ka tirsan Kooxda GTTS oo ka dhisan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin sababta keentay shilka gaariga, balse inta shilalka nuucaan ah ayaa ka dhaca deegaannada gobolka Sanaag, iyadoo loo sababeeyo xowliga ay darawalada ku wadaan gaadiidka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News