MUQDISHO (Kaab TV) –Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa xiisad horleh oo markale kasoo cusboonaatay gudaha degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir oo dhawaan ay ku dagaalameen dowladda iyo mucaaradka.
Xiisaddan cusub ayaa salka ku hayso burburin ay ciidamada Booliska haatan ka bilaabeen Buulo-goley ee degmada Cabdicasiis, kadibna waxay isku dhaceen dadka deegaanka, taas oo keentay isku dhac sababay khasaare kala duwan.
Ciidamada Dowlada ayaa waxay ay adeegsadeen rasaas, waxaana jira khasaare leh dhimasho iyo dhaawac, sida ay soo sheegayaan dadka deegaanka.
Dhinaca kale mucaaradka oo ka hadlay falkan ayaa si xooggan ugu cambaareeyay Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud, maadaama ay weli sii waddo burburinta dhalalka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa u tacsiyeeyay dhibanayaasha, wuxuuna dhanka kale eedeymo u jeediyay Xasan Sheekh.
“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska shacabkii birimageydada ahaa ee taliska arxanlaawaha ah ee Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ku hawllan dhulboob uu maanta ku weeraray xaafadda Goleey ee degmada Cabdicasiis. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto shacabkii uu taliska ku dilay weerarkan, una boogadhayo intii uu ku dhaawacay”, ayuu yiri Khayre.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in aan weli la joojin burburinta dhulalka ee caasimada, welina uu socda barakicinta shacabka iyo xasuuq, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa amakaag iyo ayaandarro ah in taliska waqtigiisu dhammaaday oo horay u sheegay in uu joojiyay dhulboobka uu maanta ku hawllan yahay boobka dhulka dantaguud, barakacinta danyarta, iyo xasuuqa shacabka, taas oo tusaale nool u ah sida ay isu burinayaan hadalka iyo ficilka taliska Madaxweyne hore Xasan Sheekh oo caadeystay gaboodfallo iyo dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo wiiqaya kalsoonida shacabka, horumarka dalka iyo dowladnimada Soomaaliya,” ayuu mar kale yiri Xasan Cali Khayre.
Xiisadda degmada Cabdicasiis ayaa mar kale soo cusbooneysiineyso muranada dhulalka, iyada oo dhawaan ay dowladdu sheegtay in gabi ahaanba la joojiyay duminta xaafadaha ay dagan yihiin shacabka balse boobka ayaa weli sii socda.

