MUQDISHO (Kaab TV) –Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa soo dhaweeyay cutub cusub oo ka tirsan Ciidanka Booliska Ghana, kaas oo loo soo diray Soomaaliya si uu uga qeyb qaato taageeridda howlaha amniga iyo dhismaha awoodda hay’adaha booliska.
Cutubkan cusub ee loo yaqaan GFPU-5 ayaa la kala geeyay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyne, halkaas oo ay ka taageeri doonaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed hawlgallada wadajirka ah, tababarrada takhasusiga ah iyo adeegyada la-talinta.
AUSSOM ayaa sheegtay in ciidankan cusub uu beddelayo cutubkii GFPU-4, kaas oo soo gabagabeeyay muddo-hawlgaleedkiisii kaddib markii uu door ka qaatay howlaha amniga iyo taageerada booliska Soomaaliya.
Isku Duwaha Booliska AUSSOM, ACP Dr Samuel Asiedu Okanta, ayaa ku boorriyay ciidamada cusub inay ilaaliyaan heerarka sare ee xirfadda, anshaxa iyo habdhaqanka wanaagsan inta ay ku guda jiraan hawlgalladooda Soomaaliya.
Waxa uu xusay in doorka cutubkan uu muhiim u yahay dadaallada lagu xoojinayo awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo taageeridda geeddi-socodka ay Soomaaliya hoggaaminayso ee nabadda, amniga iyo xasilloonida.
Soomaaliya ayaa weli ka faa’iidaysanaysa taageerada ciidamada iyo booliska AUSSOM, kuwaas oo ka qeyb qaata sugidda amniga, tababarka ciidamada gudaha iyo xoojinta hay’adaha amniga dalka.

