Ciidanka Danab oo 14 ka tirsan Al-Shabaab ku dilay howlgal ka dhacay Kurtunwaarey

|

Shabeellaha Hoose(Kaab TV) –Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay inay 14 ka tirsan Al-Shabaab ku dileen howlgal qorsheysan oo laga fuliyay degmada Kurtunwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay warbixinta, ciidamada ayaa intii uu socday howlgalka dilay 14 xubnood oo ka tirsanaa kooxda, iyagoo sidoo kale burburiyay kayd hub, agab ciidan iyo qalab kale oo kooxda ay u adeegsan jirtay qorsheynta iyo fulinta weerarrada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Al-Shabaab, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falal amni-darro iyo weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab bilihii la soo dhaafay, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan deegaanno badan oo dalka ka tirsan gulufyo lagu beegsanayo kooxda.

Wasaaraddu waxay xustay inay sii wadi doonto howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo nabadda dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News