Madaxweyne Cirro iyo Wasiirka Dhaqaalaha Israa’iil oo ka wada hadlay maalgashi iyo iskaashi dhaqaale

|

Hargeysa(Kaab TV) –Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii uu hoggaaminayey ee booqashada rasmi ah ku jooga dalka Israa’iil, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Dhaqaalaha iyo Warshadaha Israa’iil, Nir Barkat, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo fursadaha maalgashi ee u dhexeeya labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii shirkadaha Israa’iil loogu dhiirrigelin lahaa inay maalgashi ka sameeyaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, wax-soo-saarka, tiknoolajiyadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ka jira Dekedda Berbera iyo Aagga Ganacsiga Xorta ah (Free Zone).

Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan weftigiisa ayaa sidoo kale Wasiirka Israa’iil uga xog warramay khayraadka dabiiciga ah, fursadaha maalgashi iyo jawiga ganacsi ee Somaliland, iyaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la abuuro iskaashi dhaqaale oo faa’iido u leh labada dhinac.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland, labada dhinac waxay sidoo kale ka wada hadleen horumarinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, tayaynta dhoofka xoolaha iyo wax-soo-saarka beeraha, iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada hal-abuurka iyo dhaqaalaha casriga ah.

Kulankan ayay madaxtooyadu ku tilmaantay in uu qayb ka ah dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay dhisto iskaashi istaraatiiji ah oo ku salaysan maalgashi, ganacsi iyo is-dhaafsi aqooneed, xilli xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil uu si isa soo taraysa u sii xoogaysanayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News