Jalalaqsi (Kaab TV) –Dagaal ka biloowday jirdil loo geystay gabar u dhalatay mid kamida beelaha dega Degmada jalaqlaqsi ee Golka hiiraan ayaa sababay inuu isku badalo dagaal ka dhashay dhaawac, dhimasho iyo burbur hantiyadeed.
Dagaalka oo bilowday saakay waaberigii ayaa soo gaaray xiligan walina waa la isku hor fadhiya waxaana laga yabaa in saacad walba uu markale qarxo Dagaal kale.
Dagaalka oo u dhaxeeya beelo wada dega degmada Jalalaqsi ayaa sidoo kale sababay ineey barakacaan Caruur Haween iyo waayeel dushooda lagu dagaalaamay iyadoo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.
Maamulka degmada Jalalaqsi oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Degmada Nuur Dheere ayaa isku dayay inuu xiisada dagaal qaboojiyo balse wuxuu awoodi wayay inuu u gudbo dhanka galbeed oo ah halka dagaalka uu dhacay maadama labad dhinac aay joojin waayen rasaasta.
Maamulka Hirshabelle oo aay ugu horeeyso wasaarada Amniga ayaan ilaa iyo hada ka hadlin dagaalka saaka ka dhacay Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Qadka isgaarsiinta ayaa ka go’an saaka degmada Jalalaqsi waxayna taasi sababtay in aan la helin faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan iskahorimaadka ka dhacay degmada Jalalaqsi.

