Qiimaha Hilibka Geela oo sare u kacay Magaalada Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa maanta laga waayay Hilibka Geela oo bulshada Soomaaliyeed ay si maalin leh u cunaan.

Dowladda ayaa canshuuro dheeraad ah ku soo rogtay Geela xilliyada la keenayo suuqyada magaalada Muqdisho.

Ganacsatada qaarkood ayaa warbaahinta waxaa ay u sheegeen in Dowladda dalbatay canshuur gaareysa $7 Dollar, iyadoo ay u sii dheertay goobo kale looga qaado canshuuraha.

Arrintaan ayaa sababtay in ay kororto qiimaha Geela ee magaalada Muqdisho, iyadoo Kiilada Hilib ee la iibin jiray $6 Dollar, hadda tahay $8.

Qaar kamid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in ay ka xun yihiin in saakay wax hilibka aysan isticmaalin, isla markaana ay ganacsatada iyo dowladda ugu baqayaan in wax laga qabto isbadalka ku yimid iibka Geela.

Sidoo kale dalaaleeyda Geela, ayaa sheegay in sababaha ugu weyn ay tahay canshuurta , taasina ay keentay in la taaban waayo qiimaha lagu iibinayo Neefka Geela.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News