Soomaaliya oo sheegtay inay mustaqbalka Xiriir la yeelan karto Israa’iil

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ingiriiska, Cabdiqaadir Xaashi, ayaa sheegay in Soomaaliya aanay wax khilaaf ah kala dhexayn dowladda Israa’iil ama shacabka Yuhuudda ah, isla markaana ay rajaynayso in mustaqbalka ay la yeelato xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah, hase yeeshee ay si adag uga soo horjeeddo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

Danjire Cabdiqaadir Xaashi oo waraysi gaar ah siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay leedahay masuuliyadda siyaasadeed, sharciyeed iyo midda anshaxeed ee ilaalinta amniga, madaxbannaanida iyo midnimada dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo uu sheegay in lagu saleeyay xuduudihii iyo midowgii ay sameeyeen gobolladii Waqooyi iyo Koonfureed sannadkii 1960-kii.

“Xiriir kasta oo dhex mara gobol ka tirsan Soomaaliya iyo dowlad kale waa inuu ku yimaaddaa marinka dowladda sharciga ah ee Soomaaliya. Ma jirto wax dhibaato ah oo naga dhaxaysa qaranka Israa’iil ama dadka Yuhuudda ah ee ku nool caalamka. Marka laga yimaaddo arrinta ilaalinta midnimada Soomaaliya, waxaan rajaynaynaa in mustaqbalka aanu Israa’iil la yeelanno xidhiidh rasmi ah iyo heshiisyo laba geesood ah,” ayuu yiri safiirku.

Safiirka ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay taageersan tahay in Israa’iil iyo Falastiin ay gaaraan xal ku salaysan laba dowladood oo si nabad ah u wada nool.

Hadalka danjire Cabdiqaadir Xaashi ayaa imanaya xilli ay Israa’iil dhawaan si rasmi ah u aqoonsatay Somaliland, isla markaana labada dhinac ay kala saxeexdeen heshiisyo kala duwan oo la xidhiidha iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda iyo horumarinta.

Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland ayaa waxaa ka horyimid dowladda Soomaaliya, oo ku tilmaantay tallaabadaasi mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Dhankooda, madaxda Somaliland iyo Israa’iil ayaa ku adkaystay in ay xaq buuxa u leeyihiin inay go’aansadaan cidda ay xiriir la yeelanayaan, iyaga oo sheegay in aanu jirin dal kale oo awood u leh inuu u yeedhiyo ama ka hor istaago go’aannada ay ka gaarayaan xiriirkooda diblomaasiyadeed.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News