Somaliland oo sheegtay in iskaashiga ay la yeelanayso Israa’iil aanu lahayn wax xad ah

|

Hargeysa (Kaab TV) –Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa sheegay in xiriirka iyo iskaashiga iyo ka millateri ee Somaliland iyo Israa’iil aanu lahayn wax xad ah, isla markaana uu gaari karo dhinac kasta oo ay labada dhinac u arkaan inuu dan u yahay, oo ay ku jiraan amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo iskaashiga milatari.

Wareysi uu siiyay warbaahinta Israa’iil ee Ynet, wasiirku wuxuu sheegay inaanay Somaliland meesha ka saarin suurtogalnimada in Israa’iil saldhig milatari ka samaysato Somaliland, isaga oo xusay in labada dhinac ay diyaar u yihiin inay iska kaashadaan arrin kasta oo dan wadaag ah.

“Meel kasta iyo arrin kasta oo aan u aragno in labada dal ka wada faa’iidaysan karaan, waan iska kaashan doonaa, ha noqoto dhinaca dhaqaalaha, amniga ama siyaasadda. Xidhiidhkayaga iyo iskaashigayagu wax xad ah ma laha,” ayuu yidhi Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan.

Wasiirku waxa uu sheegay in guusha ugu weyn ee booqashada ay ku tageen Israa’iil ay ahayd furitaanka safaaraddii ugu horraysay ee Somaliland ay ku yeelato dunida, taas oo laga furay magaalada Qudus, iyo aasaaska xidhiidh diblomaasiyadeed oo rasmi ah oo dhex mara Somaliland iyo Israa’iil.

“Israa’iil waa dalkii ugu horreeyay ee dunida ka furta safaarad Somaliland, waana dalkii ugu horreeyay ee xidhiidh diblomaasiyadeed la yeesha Somaliland. Arrintaas mar walba waan uga mahadcelin doonnaa,” ayuu yidhi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in Israa’iil ay ka mid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday madaxbannaanidii Somaliland sannadkii 1960-kii.

Wuxuu sheegay in Israa’iiliyiintu si buuxda loogu soo dhawaynayo Somaliland, isla markaana Somaliland ay soo dhoweynayso dalxiisayaasha iyo ganacsatada Israa’iil. Waxa uu intaa ku daray in labada dhinac ay mustaqbalka ka shaqayn doonaan sidii loo bilaabi lahaa duulimaadyo toos ah oo u dhexeeya Hargeysa iyo Tel Aviv.

Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa sidoo kale sheegay in Somaliland aanay cidna uga baahnayn oggolaansho si ay xidhiidh ula samaysato dalalka kale, isaga oo xusay in cadaadis dibadeed ama ololeyaal siyaasadeed aanay waxba ka beddeli doonin go’aanka Somaliland ee ku aaddan raadinta nabadda, horumarka iyo iskaashiga caalamiga ah.

Wuxuu ugu dambayn muujiyay kalsooni ah in dalal kale ay dhawaan ku dayan doonaan Israa’iil oo ay aqoonsan doonaan

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News