Aadan Madoobe oo wareejiyey Xilka Gudoomiyaha Barlamaanka waqtigu ka dhamaaday

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah xilka ugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, kaddib markii dhowaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka ee Koonfur Galbeed.

Xil wareejinta ayaa ka dhacday kulan aan caadi ahayn oo ay maanta ku yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka xarunta Villa Hargeysa, iyadoo lagu sheegay in Sacdiya Yaasiin ay si ku-meel-gaar ah u sii hayn doonto xilka Guddoomiyaha Golaha illaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa ku ammaanay Sheekh Aadan Madoobe hoggaamintii uu muujiyey muddadii uu xilka hayey. Wuxuu sheegay in uu door muuqda ka qaatay dardargelinta howlaha sharci-dejinta, xoojinta wada-shaqeynta Golaha iyo ilaalinta habsami u socodka shaqadiisa.

Dhankiisa, Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka taageeradii iyo wada-shaqeyntii ay la yeesheen intii uu xilka hayey, isaga oo xusay in guulihii la gaaray ay ka dhasheen iskaashi iyo dadaal wadajir ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News