Iska hor imaad ka dhacay Garowe oo kor u qaaday xiisadda Puntland iyo mucaaradka hubaysan

|

Garawe (Kaab TV) –Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa xiisad u dhaxaysa Puntland iyo siyaasiyiin mucaarad ah oo xiriir la leh dowladda federaalka, kaddib iska hor imaad shalay dhex maray ciidamada ammaanka iyo ilaalada siyaasi Maxamuud Mashruuc oo la taliye u ah Madaxweynaha Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ciidamada ammaanku ay hor istaageen gaadiid dagaal oo la socday siyaasi Mashruuc, waxaana wararku sheegayaan in dhowr ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen dhacdadaasi.

Xiisadda ayaa kusoo beegmaysa xilli siyaasiyiin mucaarad ah oo ku dhow Villa Soomaaliya ay gaareen magaalada Garoowe, taas oo sare u qaaday feejignaanta amniga ee Puntland.

Ilo amni ayaa sheegay in Puntland ay ciidamo badan geysay kantaroollada magaalooyinka, iyadoo laga cabsi qabo in caasimadda Garowe soo galaan ciidamo cusub oo dowladda federaalku qoratay, kuwaas oo la sheegay in qaarkood laga keenay gobollada Mudug iyo Bari.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Puntland ay si gaar ah isha ugu hayso dhaqdhaqaaqyada la xiriira Taliyaha Qeybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Jimcaale Jaamac Takar, kaas oo la filayo inuu safarro ku tago deegaanno ka tirsan Puntland maalmaha soo socda.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la sheegay inuu faray maamullada gobollada iyo hay’adaha ammaanka in aan loo oggolaan ciidamo aan hoos iman Puntland inay si xor ah ugu kala gudbaan deegaannada maamulka.

Deni ayaa marar badan dowladda federaalka ku eedeeyay inay gudaha Puntland ka abaabulayso maleeshiyaad uu sheegay in lagu wiiqayo amniga iyo xasilloonida maamulka. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Puntland ay tallaabo adag ka qaadi doonto cid kasta oo lagu tuhmo inay qalqal gelinayso nabadgelyada deegaannadeeda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News