MUQDISHO (Kaab TV) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Talaadadii (23 June 2026) qabatay dhageysigii labaad ee kiiska Sacdiyo Macalin Cali, oo loo yaqaan Sacdiyo Bajaaj, oo ah haweeney u dhaqdhaqaaqda xuquuqda haweenka, islamarkaana si aan sharci ahayn loo xiray 12 April 2026.
Haddaba waxaan ku soo gudbineynaa sidii ay wax u dhecen shalay oo laga yaabo in dad badan aysan wada helin xogta ku saabsan dhegeysiga.
Dhageysiga ayaa horay dib loogu dhigay Axaddii 21 June, iyada oo aan la bixin wax sharraxaad rasmi ah, xilli garsoorihii kiiska hore loo beddelay maalmo ka hor.
Dhageysigii koowaad ee kiiska ayaa dhacay 1 June 2026, waxaana xilligaas xeer-ilaalintu kusoo oogtay laba dacwadood oo kala ah: “u gafidda hay’adaha dowladda” iyo “kicin fal dambiyeed.”
Xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ayaa dacwadda ku saleeyay muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada oo ay Sacdiyo ku dhaleeceyneysay madaxweynihii xilka ka sii degayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo qoyskiisa. Xeer-ilaalintu sidoo kale waxay maxkamadda tustay muuqaal ay Sacdiyo ku muujinaysay cabasho ah in askar booliis ah ay “ugu hanjabeen kufsi.”
Intii lagu jiray dhageysigii koowaad, garsooruhu wuxuu aqbalay diidmo hordhac ah oo ay soo jeediyeen qareennada difaaca, kuwaas oo ku dooday in eedeymaha aan si cad loo qeexin islamarkaana aanay jirin caddeymo muujinaya in Sacdiyo, oo ah hooyo leh ilmo yar isla markaana ka shaqeysa wadista bajaaj, ay gashay wax dembi ah.
Waxaa xusid mudan in garsoorihii fadhiyay dhageysigii koowaad si degdeg ah loo beddelay.
Dhageysigii labaad waxaa guddoomiyay garsoore Salaah Cali Maxamuud, oo loo yaqaan “Salaah Dabaan,” kaas oo sida la sheegay ka soo jeeda isla beesha uu ka soo jeedo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Sida uu u dhacay dhageysigu?
joogitaanka warbaahinta ayaa si weyn loo xaddiday intii lagu jiray dhageysiga Talaadadii, iyadoo suxufiyiinta—oo ay ku jirto kooxdeena—loo diiday inay galaan gudaha maxkamadda, lagana hor istaagay kaamerooyin iyo xitaa qaadashada qoraallo.
Si kastaba ha ahaatee, waxaan aragnay in garsooraha fadhiyay kiiska, Salaah Dabaan, uu gudaha maxkamadda keenay sawir-qaade u gaar ah si uu u duubo dacwadda, arrintaas oo walaac ku abuurtay qareennada difaaca ee kiiska.
Dhowr saacadood ka dib, muuqaallo gaagaaban oo la tafatiray ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, gaar ahaan bog Facebook ah oo lala xiriiriyo Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Labo ka mid ah qareennada difaaca oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muuqaaladaas aanay si buuxda u muujin waxa maxkamadda ka dhacay, iyagoo tilmaamay in doodihii muhiimka ahaa ee difaaca laga reebay.
Waxay sidoo kale ku eedeeyeen in qaar ka mid ah codadka la jaray ama si khaldan loo tafatiray, taasoo keentay in hadallada qaar loo muujiyo sidii qirasho dembi.
Intii uu socday dhageysiga Talaadadii, xeer-ilaalintu waxay dib u soo celisay labadii dacwadood ee hore, iyagoo ku daray faahfaahin dheeraad ah. Waxay ku eedeeyeen in Sacdiyo ay “soo dhigtay muuqaal ay ku sheegtay in Maamulka Gobolka Banaadir uu shaqaaleysiiyo dadka ku saleysan nidaamka qabiilka, isla markaana jagooyinka sare ay gacanta ugu jiraan hal beel.”
Xeer-ilaalintu sidoo kale waxay soo bandhigtay cod wareysi ah oo la sheegay in Sacdiyo ay bixisay 20 April 2026 xilli ay xabsiga ku jirtay, kaas oo ay ku sheegtay in ay “afartii maalmood ee la soo dhaafay aanay helin cunto ku filan.” Xeer-ilaalintu waxay codkan ku tilmaantay mid “wax u dhimaya sumcadda xabsiga iyo dowladda.”
Sidoo kale, xeer-ilaalintu waxay tixraacday warbixin dhawaan ay daabacday The Guardian, oo ay ku jiraan eedeymo ay Sacdiyo ku sheegtay in “la siibay dharkii, la garaacay, lana geeyay qol loo yaqaan ‘qolka dhimashada’ gudaha xarunta lagu hayo.”
Waxay sidoo kale daawadeen muuqaal kale oo ay Sacdiyo ku sheegtay inay ka cabsi qabto amnigeeda iyo badbaadadeeda kadib markii askar booliis ah ay “ugu hanjabeen kufsi.”
Markii dambe, Sacdiyo ayaa maxkamadda ka hor istaagtay oo sheegtay in askar booliis ah, oo ay ku jirto sarkaal ay magaciisa ku sheegtay “Big Show,” ay ugu hanjabeen “kufsi.”
Qareennada difaaca ayaa ku adkeystay in Sacdiyo si degdeg ah loo sii daayo, islamarkaana la xiro cid kasta oo ku hanjabtay falal galmo ah.
Intii uu socday dhageysigu, xeer-ilaalintu waxay sidoo kale ku eedeysay inay ka qayb qaadatay dibadbaxyo ka dhacay Muqdisho isla markaana ay hormuud ka ahayd dhaqdhaqaaq dhalinyaro, eedeymahaas oo difaacu si adag u beeniyay.
Kiiskan ayaa soo jiitay dareen weyn oo dadweyne, iyadoo hay’adaha xuquuqul insaanka ay sheegayaan in xariggeeda iyo dacwadeeda ay u egyihiin isku day lagu cabburinayo codadka dhalinyarada Soomaaliya.
Hay’adaha Amnesty International, Human Rights Watch, iyo SIHA Network ayaa horey ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo.
Geeska Freedom Centre ayaa sidoo kale cambaareeyay xarigeeda iyo dacwadda ka dhanka ah.
Xukunka kiiskan ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Khamiista, iyadoo Sacdiyo ay weli ku jirto xabsi, isla markaana ay xirnayd muddo 74 maalmood ah.

