Qaramada Midoobay oo xil sare u magacowday mas’uul Soomaaliyeed

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa ku dhawaaqay magacaabista muwaadinka Soomaaliyeed ee Mohamed Yahya inuu noqdo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Ku-xigeenka Isku-duwaha Gurmadka Degdegga ah ee xafiiska QM ee isku xirka arrimaha gargaarka OCHA.

Maxamed Yahya ayaa xilkan kala wareegaya Joyce Msuya oo u dhalatay Tanzania, taasoo Xoghayaha Guud iyo Isku-duwaha Gurmadka Degdegga ah ay uga mahadceliyeen doorkeedii iyo adeeggeedii muddada dheeraa ee dhinaca gargaarka bani’aadannimada.

Mas’uulkan cusub wuxuu leeyahay in ka badan labaatan sano oo waayo-aragnimo ah oo uu ka soo shaqeeyay dhinacyada horumarinta, gargaarka bani’aadannimada iyo nabad-dhisidda. Khibraddiisa ayaa ka soo bilaabatay xarumaha dhexe ee Qaramada Midoobay ilaa heer gobol iyo dalal kala duwan oo ku yaalla Afrika iyo Koonfurta Aasiya.

Haatan, Maxamed Yahya wuxuu yahay Isku-duwaha Joogtada ah iyo Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Qaramada Midoobay ee Pakistan, halkaas oo uu hoggaamiyo mid ka mid ah howlgalada ugu waaweyn ee Qaramada Midoobay ee gobolka Aasiya iyo Baasifigga. Waxa uu sidoo kale hormuud ka ahaa isku-duwidda jawaabta Qaramada Midoobay ee fatahaadihii Pakistan ee sanadkii 2025.

Ka hor intii aan loo magacaabin Pakistan, Maxamed Yahya wuxuu ahaa Wakiilka Deggan ee United Nations Development Programme ee Nigeria, isagoo hoggaaminayay mid ka mid ah xafiisyada ugu waaweyn ee hay’addaasi ku leedahay caalamka. Waxa kale oo uu soo maamulay Barnaamijka Gobolka Afrika ee UNDP, isaga oo la shaqaynayay African Union si loo xoojiyo ka hortagga colaadaha iyo xasillinta dalalka Afrika.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News