ICG: Dowladda iyo Al Shabaab midkoodna dagaalka guul kama gaarin

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group ayaa sheegtay in dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab uu galay marxalad ismariwaa ah, iyadoo labada dhinac midkoodna uusan awood u lahayn inuu gaaro guul militari oo kama dambeys ah.

Warbixintu waxay xustay in guulihii ay dowladda ka gaartay gobollada dhexe sannadihii 2022 iyo 2023 ay dib u wiiqmeen kaddib weerarro ballaaran oo Al-Shabaab qaaday intii lagu jiray 2025, taasoo keentay in kooxdaasi dib ula wareegto inta badan deegaannadii laga saaray.

Sida warbixintu tilmaamayso, dowladda Soomaaliya ayaa dib isu abaabushay iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamiga ah, waxaana ay ku guuleysatay inay adkeyso amniga deegaanno muhiim ah oo ku dhow Muqdisho. Hase yeeshee, qaybo badan oo bartamaha dalka ah ayaa weli ku jira gacanta Al-Shabaab, taasoo sii xoojisay ismariwaaga dagaalka.

International Crisis Group ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay wax ka beddeshay xeeladaheeda, iyadoo isku dayaysa inay hagaajiso xiriirka ay la leedahay bulshada ku nool deegaannada ay maamusho, isla markaana yareyso ku tiirsanaanta cabsi gelinta oo keliya. Dhanka kale, dowladda ayaa wajahaysa caqabado ay ka mid yihiin khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah iyo hoos u dhac ku yimid taageerada dibadda.

Warbixintu waxay ku talisay in dowladda Soomaaliya dib u habeyn ku sameyso tababarka iyo tayeynta ciidamada, xoojiso wada shaqeynta dowlad-goboleedyada, isla markaana kor u qaaddo awoodda ciidamada heer gobol si loo sugo deegaannada laga qabsado Al-Shabaab.

Sidoo kale, warbixintu waxay ku baaqday in la fududeeyo gaarsiinta gargaar bani’aadamnimo ee shacabka ku nool deegaannada ay maamusho Al-Shabaab, iyadoo ugu dambeyn ku doodday in xal siyaasadeed iyo wada hadal ay yihiin waddada ugu macquulsan ee lagu soo afjari karo colaadda muddada dheer ka socotay Soomaaliya.

Warbixintan ayaa ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay wajahayso loollan siyaasadeed oo la xiriira doorashooyinka iyo isbeddel ku yimaadda taageerada amni ee beesha caalamka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News