Hargeysa(Kaab TV) -Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku shaacinayso tallaabooyin cusub oo lagu adkaynayo nidaamka warbaahinta iyo amniga, kaas oo warbaahinta aan ruqsada haysan ka mamnuucaya hawlaha warbaahineed.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, Wasaaraddu waxay sheegtay inay gudanayso waajibaadkeeda dastuuriga ah isla markaana fulinayso awoodaha uu siinayo Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxbannaan, Xeer Lr. 71/2025, qodobkiisa 41-aad.
Wasaaraddu waxay ku wargelisay hay’adaha amniga, warbaahinta ruqsadda ka haysata Wasaaradda iyo saxafiyiinta ka diiwaangashan Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) in aan laga bilaabo maanta la oggolaan doonin in la isticmaalo kaamirooyin, moobillo ama makarafoonnno ay wataan ama ku shaqaynayaan dad aan haysan aqoonsi saxafinimo oo rasmi ah.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta amniga iyo jiritaanka Somaliland, iyadoo Wasaaraddu ku doodday in la dhowrayo diinta, dhaqanka, sharafta iyo qiyamka bulshada. Waxay sidoo kale ugu baaqday warbaahinta in ay ka fogaato baahinta muuqaallo argagax leh ama waxyaabo bulshada cabsi gelin kara.
Dhanka kale, Wasaaradda Warfaafinta ayaa hay’adaha amniga ku amartay inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu arko suuqyada iyo magaalooyinka iyadoo isu ekaysiinaysa saxafi ama samaynaysa hawlo warbaahineed iyada oo aan haysan aqoonsi saxafinimo oo sharci ah.
War-saxaafadeedka ayaa ku soo gebogeboobay in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo nidaamka warbaahinta iyo sugidda amniga Somaliland.

