Qaraxyo caawa laga maqlay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Qaraxyo waaweyn iyo rasaas xooggan ayaa fiidnimadii caawa, abaare 7:00 fiidnimo, laga maqlay nawaaxiga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo cabsi iyo argagax ku abuuray shacabka ku nool caasimadda.

Dhawaqa qaraxyada iyo rasaasta oo si weyn looga maqlay degmooyin badan oo Muqdisho ka tirsan ayaa sababay in dad badan ay u maleeyaan inuu bilowday weerar ay Al-Shabaab soo qaaday ama uu dagaal ka dhex qarxay ciidamada Dowladda Federaalka iyo ciidamo kale. Dad badan ayaa isugu yeerayay taleefoonnada iyo baraha bulshada, iyagoo isku dayayay inay ogaadaan waxa dhabta ah ee dhacaya.

Waxaa sidoo kale la arkayay iftiin xooggan oo cirka ka muuqday, kaas oo ka imaanayay dhinaca garoonka diyaaradaha. Iftiinkaasi ayaa la sheegay inuu ka dhashay nalalka iyo qalabka loo yaqaan “bululerka” ee ciidamada isticmaalaan xilliyada ay sameynayaan tababarrada ama howlgalada habeenkii.

Kadib markii ay cabsi xooggan abuurtay dhacdadan, Taliska Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo saaray qoraal ay ku baahiyeen baraha bulshada, kaas oo lagu xaqiijiyay in dhawaqa la maqlayay uusan la xiriirin weerar amni ama qarax argagixiso.

Booliska ayaa sheegay in waxa la maqlayay ay ahaayeen tababarro iyo dabrid ay sameynayeen ciidamo ka tirsan hay’adaha ammaanka, isla markaana aysan jirin wax khatar ah oo ku wajahan shacabka. Taliska ayaa ugu baaqay muwaadiniinta inay is dejiyaan, kana fogaadaan faafinta warar aan la hubin oo horseedi kara cabsi iyo jahwareer.

Inkastoo magaalada Muqdisho ay marar badan ka dhacaan tababarro noocan oo kale ah, haddana Dadka qaar ayaa qaba in qaraxyadii iyo rasaastii caawa ay ahaayeen kuwo aad uga xoog badnaa kuwii hore, taasoo sababtay in dad badan ay ka cararaan guryahooda ama ay u diyaar garoobaan xaalad degdeg ah.

Qaar ka mid ah shacabka ayaa sheegay in ay habboon tahay in tababarrada isticmaala hubka culus iyo walxaha qarxa lagu qabto goobo ka fog xaafadaha ay dadku deggan yihiin, si looga fogaado cabsi iyo jahwareer soo noqnoqda oo saameeya nolosha bulshada, gaar ahaan carruurta, waayeelka iyo dadka xanuunsan.

Ma jiro wax war ah oo sheegaya khasaare nafeed ama mid hantiyeed oo ka dhashay dhacdadan, waxaana xaaladda guud ee magaalada dib ugu soo laabatay deganaansho kadib markii la xaqiijiyay in dhawaqa la maqlay uu ka dhashay tababar ciidan oo qorsheysan.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News