Sacuudiga oo sheegay in uu kordhinayo taageerrada uu siiyo Soomaaliya

|

Sacuudiga (Kaab TV) -Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay kordhinayso taageerrada ay siiso Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Bani aadamnimada, waxa ay xustay in arrintaan ay fursad u  noqon doonto dadka dantayar ee caawinaadda u baahan.

Sacuudiga ayaa sheegay in mashaariic kala duwan oo Soomaaliya ay ka caawiyaan ay noqdeen fursado muhiim ah, waxaana kamid ah Bangiga Dhiigga Qaranka ee Muqdisho ku yaalla oo lagu caawiyay in ka badan 230 bukaan.

Arrimaha bani aadamnimada sida wax u qabashada qoysaska ay saamaynta taban ku reebeen Abaaraha, Fatahaadaha iyo colaadaha ayay Xukuumadda Riyadh sheegtay in kaalinteeda ay ka qaadatay iyada oo u martay dhinaca Dowladda Federaalka.

Sacuudiga waxa uu kamid yahay Dalalka Soomaaliya caawiya iyada oo sanadihii dambe Hay’adda loogu magac daray Boqorka Dalkaas Waa Salmaan Bin Cabdilcasiis ay kaalmo ka bixinaysay Waddamo ay Soomaaliya kamid tahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News