Berbera (Kaab TV) -Wargeyska Faransiiska ah ee Le Monde ayaa warbixin uu maanta daabacay ku sheegay in magaalada Berbera ee Somaliland laga wado dhismaha saldhig milatari oo ay si qarsoodi ah u maalgelinayso Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), kaas oo la sheegay in ay wada isticmaali doonaan Imaaraadka, Maraykanka iyo Israa’iil.
Sida warbixintu sheegtay, Garoonka Diyaaradaha Berbera ayaa tan iyo dabayaaqadii sannadkii 2025 lagu waday ballaadhin iyo dhismooyin waaweyn, iyadoo sawirro dayax-gacmeed oo uu wargeysku falanqeeyay ay muujinayaan godad ballaadhan oo laga sameeyay koonfurta dhabaha diyaaradaha. Ilo amni oo Reer Yurub ah ayaa Le Monde u sheegay in godadkaasi ay u muuqdaan bakhaarro dhulka hoostiisa ah oo loogu talogalay kaydinta rasaasta ama shidaalka.
Le Monde ayaa xustay in mashruucan uu kusoo beegmay kadib markii Israa’iil ay 26-kii Diseembar 2025 aqoonsatay madaxbannaanida Somaliland. Sida wargeysku sheegay, Israa’iil waxa ay doonaysaa inay hesho saldhig istaraatiiji ah oo ku yaalla Gacanka Cadmeed, meel u dhow xeebaha Yemen, halkaas oo ay ka hawlgalaan fallaagada Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran.
Warbixintu waxay tilmaantay in Berbera ay noqotay goob ay sii kordhayso muhiimaddeeda istaraatiijiyadeed, maadaama ay ku taallo afaafka koonfureed ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, oo ka mid ah marinnada ganacsiga ugu mashquulka badan caalamka. Sida uu wargeysku qoray, xiisadda gobolka iyo weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta ayaa sare u qaaday muhiimadda saldhigyada milatari ee deegaanka.
Ilaa hadda ma jirto war war rasmi ah oo ay Somaliland, Imaaraadka Carabta, Maraykanka ama Israa’iil ka soo saareen xogta uu daabacay Le Monde ee ku saabsan dhismaha saldhiggan milatari.

