Garowe (Kaab TV) -Madaxweynihii hore ee Puntland, haatana ah Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa dhaliilo culus u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Faroole ayaa sheegay in aanay hadda Muqdisho ka jirin dowlad sharci ah, isaga oo ku eedeeyay dowladda inay ku tuntay dastuurka dalka iyo shuruucda kale ee saldhigga u ah dowladnimada.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka, isagoo xusay in Puntland ay tahay maamulka keliya ee, sida uu hadalka u dhigay, ka badbaaday faragelinta dowladda dhexe.
“Dowlad sharci ah kama jirto Xamar, maamulladii kalena waa la juujuubay. Puntland ayaa meesha ka nabad qabta dalka,” ayuu yiri Faroole.
Senatorka ayaa farriin u diray shacabka Puntland, isaga oo ugu baaqay inay la shaqeeyaan maamulkooda si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
“Waxaan u sheegaynaa shacabka reer Puntland in nabad lagu nool yahay. Nabad ayaan rabnaa, ciddii xumaan soo waddana Alle ha ka celiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Faroole ayaa hadalladan ka jeediyay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka gobolka Nugaal, kaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed, amniga iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada Puntland.

