Warbixin ay daabacday jariiradda New York Times ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Iran, Mahmoud Ahmadinejad uu xiriir la sheegay inuu la lahaa sirdoonnada Mareykanka iyo Israel.
Ahmadinejad, oo xilligii uu xilka hayay si adag uga soo horjeeday Mareykanka iyo Israel, ayaa sannadihii dambe beddelay mowqifkiisa siyaasadeed, isla markaana la doonayay in loo adeegsado hoggaamiye beddeli kara nidaamka hadda ka jira Iran, kaasoo Israel iyo Mareykanka ay rabeen inay xukunka ka tuuraan.
Mahmoud Ahmadinejad, oo ahaa madaxweynaha Iran intii u dhaxeysay 2005 ilaa 2013, waxaa lagu xasuustaa hadallo adag oo uu ku weerari jiray siyaasadaha Mareykanka iyo Israel.
Xilligii uu talada hayay wuxuu noqday mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ugu muranka badnaa Bariga Dhexe, gaar ahaan sababo la xiriira hadalladiisa ku saabsan Israel, barnaamijka nukliyeerka Iran iyo xiriirka uu la lahaa reer Galbeedka.
Sanadihii ka dambeeyay markii uu ka degay xilka madaxtinimada, Ahmadinejad wuxuu muujiyay mowqifyo ka duwan kuwii hore, isagoo marar badan dhaliilay qaar ka mid ah hoggaanka diimeed ee Iran iyo habka maamulka dalka.
Wuxuu bilaabay adeegsiga luuqadda Ingiriiska, inuu beddelay qaabka uu bulshada ugu muuqdo, iyo inuu baraha bulshada ku baahiyay fariimo uu ku dhaliilayo nidaamka ay hoggaamiyaan wadaaddada Shiicada ah ee ka taliyaha dalka Iran.
Khilaafka kala dhexeeyay nidaamka Iran
Kadib markii uu ka baxay madaxtooyada, xiriirka Ahmadinejad iyo hoggaanka sare ee Iran ayaa xumaaday. Wuxuu si gaar ah u dhaliilay qaar ka mid ah siyaasadaha Aayatullaah Ali Khamenei iyo hay’adaha awoodda badan ee dalka kuwaas oo uu ku eedeeyay caburin dadweynaha iyo xadgudubyo ka dhan ah bani’aadannimada.
Waxaa sidoo kale la sheegay in dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed la xaddiday, inkastoo warbixinno kala duwan ay ku kala duwan yihiin heerka cadaadiska lagu saaray.
Ahmadinejad wuxuu isku dayay inuu mar kale u tartamo madaxtinimada Iran sannadihii dambe, balse waxaa laga hor istaagay inuu ka qeyb galo doorashooyinka.
Mareykanka iyo Israel ayaa u arkay Ahmadinejad qof suurtagal u noqon kara inuu hoggaamiyo Iran haddii nidaamka hadda jira uu dumo.
Wargeyska New York Times ayaa qoray in labada dal ay doonayeen inuu noqdo wejiga cusub ee Iran, maadaama uu hore uga soo dhex shaqeeyay nidaamka isla markaana uu lahaa taageero gudaha ah.

Waxaa sidoo kale sirdoonada CIA-da Mareykanka iyo Mossad ay diyaariyeen qorshe ciidan oo lagu weerarayo goob uu ku xirnaa ama lagu ilaalinayay Ahmadinejad, kadibna loo galbiyo meel ammaan ah si loogu diyaariyo hoggaan cusub.
Waxaa la sheegay in tan iyo 2024 ay qorshahan diyaarinayeen CIA iyo Mossad.
Safarkii Budapest iyo fasiraadaha ku xeeran
Sanadkii 2024, Ahmadinejad wuxuu ka qeyb galay shir ka dhacay Budapest, Hungary, oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada.
Safarkaas ayaa lagu tilmaamay fursad lagu dhisayay xiriirro cusub oo caalami ah, halka kuwo kalena ay ku sheegeen inuu ahaa isku day lagu soo jiidanayay hoggaamiye hore oo Iran ah.
Shirka isbeddelka cimillada oo ay qabatay jaamacad ku taalla Budapest, caasimadda Hungary, ayaa waxaa hoosta qabanqaabiyay dowladda Hungary oo ay gadaal ka taagnaayeen sirdoonada CIA iyo Mossad, waxaana toos loogu sheegay inay casumaan madaxweynaha hore ee Iran.
Inkasta oo Ahmadinejad uu weli yahay qof saameyn ku leh siyaasadda Iran, gaar ahaan taageerayaasha doonaya isbeddel gudaha nidaamka, haddana awooddiisa siyaasadeed ayaa aad uga xaddidan sidii uu ahaa xilligii madaxtinimada.
Nidaamka siyaasadeed ee Iran waxaa weli gacanta ku haya hoggaanka diimeed, gaar ahaan xafiiska Aayatullaah Khamenei iyo hay’adaha amniga ee awoodda badan.
Wararka sheegaya in Ahmadinejad loo diyaarinayay inuu mar kale xukunka qabto waxay qayb ka yihiin doodaha ku saabsan mustaqbalka Iran iyo loollanka u dhexeeya kooxaha gudaha iyo quwadaha dibadda, balse ilaa hadda ma jiraan caddeymo la xaqiijiyay oo taageeraya sheegashada ah inuu jiray qorshe sirdoon oo lagu soo celinayo madaxtinimada.
Duqeymo socday tan iyo dhammaadkii Febraayo 2026 illaa bishii June horraanteedii ayay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen Iran, kuwaas oo ay dileen qaar badan oo ka mid ah xubnaha hoggaanka wadaadada ka taliya Iran, oo uu ku jieray hoggaamiyiihi sare Cali Khamenei, saraakiil amni iyo wasiiro.
Hadda Iran waxaa xukunka haaya wiilkii Cali Khamenei, Qorshihii CIA iyo Mossad ayaa fashilmay, waxaana tan iyo markaasi wixii ka dambeeyay la waayey meel uu ku dambeeyay madaxweynihii hore.

