Sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow madaxtooyada Puntland, Xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jimcaale Jaamac Takar ayaa gaaray is-afgarad hordhac ah oo ku saabsan khilaafkii muddooyinkii u dambeeyey u dhexeeyey labada dhinac.
Wadahadallo ay hormuud ka ahaayeen guddi odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Nugaal, kuwaas oo loo xil saaray dhexdhexaadinta khilaafka, ayaa soo gabagabeeyey wajigii koowaad.
Iyadoo wada-hadalladaas ay socdeen, waxaa caawa magaalada Garoowe soo gaaray Taliyaha Ciidanka Danab, Jimcaale Jaamac Takar, oo hore looga mamnuucay inuu galo deegaannada Puntland.
Sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah oo ku dhow dhinacyada wada-hadallada, heshiiska hordhaca ah ee ay dhexdhexaadinayeen guddi uu garwadeen ka yahay Madaxweynihii hore ee Puntland, Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, waxaa lagu heshiiyey qodobbadan:
In Gen. Jimcaale uu ka tanaasulo xiriirka iyo qorshayaashii ciidan ee uu kala shaqaynayey Dowladda Federaalka Soomaaliya.
In ciidamada uu hoggaamiyo ay xuquuqdooda iyo mushaarkooda ka helaan Puntland.
In Madaxweyne Deni uu Gen. Jimcaale siiyo darajada ciidan ee ugu sarreysa ee Puntland.
In ilaalinta amniga Puntland ay tahay waajib saaran dhammaan shacabka reer Puntland.
Ilo wareedyadu waxay sidoo kale sheegayaan in qodob kale oo muhiim ah lagu heshiiyey, hase yeeshee aan weli si rasmi ah loo shaacin.

Dhanka kale, Jimcaale Jaamac Takar ayaa toddobaadyadii u dambeeyey xiriir la yeeshay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ugu dambayn loo magacaabay Taliyaha Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo xarunteedu tahay magaalada Garoowe.
Tallaabadaas ayaa loo arkayey mid sare u qaadi karta saameynta siyaasadeed iyo tan ciidan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku yeelan karto Puntland.
Wadahadallada ayaa la filayaa inay sii socdaan ilaa laga gaarayo heshiis kama dambays ah oo ay labada dhinac si buuxda ugu heshiiyaan.
Si kastaba ha ahaatee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in weli ay jiraan qodobo muran ka taagan yahay, kuwaas oo haddii aan xal loo helin halis gelin kara in wada-hadalladu fashilmaan ama ay dhinacyadu dib ugu laabtaan mowqifyadoodii hore.
Jimcaale Jaamac Takar ayaa bishii hore gaaray magaalada Laascaanood, kaddib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay Taliyaha ciidan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay inay ka dhisayso gudaha Puntland.
Magacaabista iyo dhaq-dhaqaaqii Jimcaale Takar ayaa dhalisay xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo xooggan, iyadoo Puntland ay diyaarisay ciidamo hubeysan oo la sheegay in loo abaabulay ka hortagga inuu soo galo deegaannada maamulka.
Muddo toddobaadyo ah, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland ayaa waday dadaallo lagu dejinayo xiisadda. Wadahadalladaas oo ku salaysnaa hannaan beeleed iyo dhaqanka xallinta khilaafaadka ayaa ugu dambayn horseeday in labada dhinac ay galaan wada-hadallo lagu raadinayo xal waara.

